Qiso cajiiba, qof dumara oo wadne looga soo saaray qof dhintay ayaa intii loola sii ordayey wadnihii dhulka ku dhacay

Qiso cajiiba, qof dumara oo wadne looga soo saaray qof dhintay ayaa intii loola sii ordayey wadnihii dhulka ku dhacay.
Halka hoose ka daawo qisadan iyadoo muuqaal ah (Video)
Waxaa dalka Meksiko (Mexico) ka dhacday maalin dhawayd qiso aad u cajiiba. Sida aynu wada ogsoonahay waxaa dunnida maanta ku nool oo aad u xanuusanaya, iyagoo dadkaasi wadne xanuun ama cudurada wadnaha u buka oo aad ula ildaran. Waxaana dadkaas ka mid ahruux dumara oo u dhalatay dalka Meksiko (Mexico) oo wadne doon ah.
Shayga caafimaadku waa shay aad iyo aad u qaaliya. Qiimaha uu caafimaadku leeyahayna waxaa dareemi kara qofka aad u xanuusanaya ama xanuun adagi soo maray ee dhakhtar u galay amaba gurigaba la jiifa bukaan. Qofkaas ayaa dareemaya qiimaha uu caafimaadku leeyahay. Dunnida hore u martay iska daa in ay dadkoodii badbaadiyaane waxay xataa isku dayeen in xayawaanka la badbaadiyo oo dhakhtaro gaara loo sameeyo. In qof la badbaadiyo qiimo intee leéeg ayaa ku bixi karta.
Yaanan arrinta waxba ku sii dheeraanin. Dalka Meksiko ee koonfurta qaarada Amerika, ayaa caasimadaa dalkaasi ee Miksiko City, ayaa waxaa dhakhtarka ku jirtay gabadh sugaysay qalniin xaga wadnaha oo qof dhintay looga soo saaray. Bal qiyaasa hawshaa intaa ama baaxadaa le´eeg.
Muddo intee le´eeg ayey qaadan kartaa in qof loogu qaliyo xubin jidheed oo qof kale laga soo saaray?
Intabadan waxa ay ku xidhan tahay xubinta jidhku nooca ay tahay. Inta badan 2-3 saacadood gudahood ayaa la odhan karaa. Waa in markaa wax walbaa sii diyaarsan yihiin. Marka xubnihii jidhka la Keeno waa in wax walba dhan yihiin oo aanu iman habsan. waa in sida ugu dhakhsaha badan lagu dhameeyo waa inta uu xubinta jidhku sii yara shaqaynayo. Waxaa haddaba dhacday in qofkii wadnuhu uu ku jiray ee dhintay laga soo saaray wadnihii, waxaana markii danbe la soo saaray wadnihii gawaadhida gargaarka degdeg ah, (Ambulance) waxaa la keenay wadnihii oo ku jira talaagada lagu qaado xubnaha jidhka meel kale oo madaara (Airport).
Gaadhigii gargaarka deg deg ahaa ayaa keenay wadnihii madaar, si ay diyaarad gaar loo leeyahay (private), ay u qaado wadnaha, ka dibna ay keento meel kale oo ay ku sugaysay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ee la yidhaahdo Helicopter, Helicopter-tan oo ay lahaayeen ciidamada amaanka Miksiko (Police). Diyaaradii Helicoptarka booliska (Poice) ahayd ee siday wadnihii loogu deeqay gabadha wadnaha laga qalayey, ayaa markii danbe soo caga dhigatay goobtii dakhtarka ay ku jirtay gabadhii wadnaha loo siday. Ciidamadii booliska oo wadadii hor-maraysay dhakhtarka xidhay, si ay u soo caga dhigato diyaaradii wadnaha siday ee helicopter ahayd . Waxaa haddaba dhacday, in markii ay diyaaradda helicoptrku soo fadhiisatay, ay laba nin ka soo dajiyeen talaagadii wadnuhu ku jiray, Iyag oo degdegsan oo islaha degdeg u gaadhsiiya wadnaha dhakhtarka, ayaa waxaa furmay daboolkii talaagaa wadnuhu ku jiray, waxaana talaagadii ka soo dhacay wadnihii oo dhulka ku soo dhacay, talaagada waxaa ku jiray wadnihii gabadhu sugaysay in loo galiyo, iyo xidhmooyin baco ah oo ay ku jiraan baraf. Naxdin weynaa. Nimankii inta ay wadnihii oo bac huruuda ku jira ayey dib ugu celiyeen talaagadii, degdegna ay ku galeen gudihii dhakhtarka halkaasna lagaga gudoomay wadnihii. In yar ka bacdi waxaa wadnihii loo galiyey gabadhii calafka u yeelatay in loo galiyo wadne qof dhintay laga soo saaray. Dhakhaatiirtii xaga wadnaha ee sugaysay in ay qaliinka sameeyaan ayaa waxa ay isla markiiba galeen hawshii qaliinka, oo ay ku guulaysteen in wadninhii loo galiyo gabadha wadnihii qofkii dhintay laga soo saaray. Camaliyadii/qaliinkiina waa lagu najaxay/guulaystay. Xaaladda gabadhii loo galiyey wadnaha ayaa imminka aad u wanaagsan.

Waxaa soo diyaariyey: Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)
Bahda mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com
E-mayl: Editor@caafimaadka.com
E-mayl: Caafimaadka2011@gmail.com