Puntland oo taageertay Shirka Taleex ee Khaatumo II

Garowe:- Wasiirka Maamul wanaaga Puntland Mudane, Faarax Ciise Gaashaan ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay si buuxda u taageersan tahay shirka ka socda Degmada Taleex ee lagu magacaabo Khatumo 2, waxaana uu sheegay in uu ka filayo in ay ka soo baxaan wax wanaagsan oo ay ka mid tahay in dhulka maqan la soo cesho.
Mr.Gaashaan, waxa uu sheegay in madasha Shirka ay iskugu yimaadeen dad isugujira waxgarad, caaqilo iyo aqoonyahan sidaasdarteed laga filayo in ay wax wanaagsan ka soo baxaan. Puntland, ayuu sheegay in ay aad u soo dhawaynayso Shirka Khatumo 2.
Waa markii ugu horaysay ee Puntland ka hadasho Shirka Khatumo 2 ee Beesha Dhulbahante mustaqbalkooda uga tashanayso ee ka socda magaalada Taleex.
Somaliland, ayaa iyadu goor-hore walaac xoogan ka muujisay Shirkan, waxayna sheegeen in ay faragalin buuxda ku samayn doonaan haddii shirka ay u arkaan in ay ka soo baxayso midnimada Ummadda Soomaaliyeed lagana dhex arko Calanka Soomaaliya.
Si kastaba ha’ahaatee, shacabka Puntland, ayaa aad u xiisaynayay in Puntland ay isha ka daawato Shirka Khatumo 2 oo ay ka dhursugto illaa maalinta kama dambaysta ah.
Xafiiska allsomali24.com
Muqdisho – Somalia