Pepe: Saxaafada waxay iga dhigtay inaan ahay qof dilaa oo kale.

Ciyaaryahanka daafaca ugu ciyaaro Real Madrid Pepe ayaa ka hadlay sida uu ugu careysan yahay qaabka ay ula dhaqmeen saxaafada, isagoo ku tilmaamay qaabka ay u soo bandhigeen inay dhigeen inuu yahay qof nafta dadka ka qaada oo dilaa ah.
Daafacan ayaa eedeyn badan ku helay qaabka qalalaasaha wata ee uu u ciyaaro, gaar ahaan marka uu wajahayo kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona, 28 jirkaan ayaa dareensan in suxufiyiinta Spanishka inay ku adkeeyeen nolosha.
“Saxaafada waxa ay ii soo bandhigtay sidii qof, sidii qof nafta qaade oo kale,” Pepe ayaa u sheegay Canal+.
“Ani ahaan tan iigu muhiimsan waa in aan difaacaa midabada Madrid. marka aan wadada soo socdo dad badan ayaa ii soo bandhigo in ay i jecel yahiin,”.
Daafacan ayaa sidoo kale hadlay mustaqbalka tababarihiisa Jose Mourinho, kaasoo lala xiriiriyay inuu ka tagayo Santiago Bernabeu, waxaana uu sheegay in ciyaartoyda ay kalsooni ku qabaan in tababarahooda uusan meelna u socon.
“Tababaraha waxa uu qeyb ka yahay qandaraas socda waxaana uu qeyb ka yahay Madrid sida ciyaartoyda. Kalsooni ayaa ku qabnaa inuu halkaan sii joogi doono,” ayuu yiri ciyaaryahanka caalamiga ah ee reer Portugal.
Kooxda caasimada ka dhisan ayaa axadii 4-2 ku garaacday Lavente si ay hogaanka La ligaha ugu dheereystaan 10 dhibcood.