Odayaasha Dhaqanka Muqdisho oo Soo Dhoweeyey Sharica Xaaladda Deg Dega ah
Muqdisho ( DHM-News ):- Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa soo dhoweeyey sharcigii deg dega ahaa ee uu dalka kusoo rogay Madaxweynaha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya shariif Sheekh Axmed.
Afhayeenka Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa khadka taleefanka ugu sheegay DHM Radio in ay siweyn ugu faraxsan yihiin xaaladda deg dega ah ee la saaray qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Axmed Diiriye ayaa intaasi ku daray in Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu uga dan lahaa xeerka deg dega ah sidii ammaanka guud ee goobaha ay ka baxeen Al shabaab iyo goobaha ay kusugan yihiin barakacayaasha loo sugi lahaa.
Mar uu ka hadlaayey ka bixitaanka Al shabaab ee magaalada Muqdisho ayuu siweyn usoo dhoweeyey Nabadoon Axmed Diiriye, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay ka shaqaynta ammaanka guud ee dalka isaga oo sheegay in aan dagaal faa’iido lahayn.
Waxa uu ugu baaqay xarakada Al shabaab in ay dagaalka joojiyaan oo ay nabadda wax ku doonaan, isaga oo ugu baaqay wada hadal nabadeed oo ay la galaan Dawladda KMG ah ee Soomaaliya.
Hadalka Afhayeenka Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa ka dambeeyey xeerkii uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed dhowaan qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ugu soo rogay xaaladda deg deg ah.
Marwalba Iyo Waqti Walba Dhacdooyinka.com Ka Aqriso Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Soomaliya Si Aad Ulasocto Xaalada Somaliya.
Jaamac Joofane
Jaamacjoofane@gmail.com
Xafiiska Dhacdooyinka Muqdisho
NALA SOO XIRIIR dayax201@hotmail.co.uk

















Comments
Post new comment