Nin Soomaali Mareykan lagu soo eedeeyay in lacago u uruurinayay Shabaab oo Maxkamad la soo taagay

Nin Soomaali Mareykan ah oo ku nool Ohio ayaa qirtay inuu lacago u aruuruinayey Al-Shabaab kadib marki shalay la soo taagay maxkamada Federaaliga ee Minnesota.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Ahmed Hussein Mahamud oo 27 jir ah uu qirtay inuu taageero u raadinayey Al-Shabab gaar ahaan isaga oo lacaga ka uruuruinayey dad Soomaali ah oo ku nool Mareykanka si dhaqaalahaasi loogu diro Shabaab.
Sida la sheegayo ninkan ayaa la filayaa in ugu yaraan lagu xakumo xabsi gaaraya 15 sano taasi oo ah ciqaabta ka taala Mareykanka marka qof lagu helo danbiyo noocaasi oo kala ah.
Mahamud, oo ah nin heysta dhalashada Mareykanka oo la qabtay bishi June ee sanadki 2011, ayaa qiray inuu bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota lacagta uga qaadi jiray isaga oo u sheegaya in lagu dhisayo Masaajid iyo in lagu caawinayo agooman, laakin uu u wareejin jiray dhaqaalahaasi Shabaab sida ay Maxkamadu sheegtay.
Xeer beegta ayaa sheegtay in Maxamuud uu u diray Soomaaliya lacago ka badan $1,500, isaga oo lacagta qaarkoox u adeegsaday tikidho iyo qarashaad kale.
Minnesota ayaa ah halka ugu badan ee ay ku noolyihiin Soomaalida dalka Mareykanka, waxaana tan iyo bishi September ee sanadki 2007 ka baxday ilaa iyo 20 dhalinyara ah kuwaasi oo aaday Soomaaliya si ay uga bar bar dagaalamaan Al-Shabaab.