Nagiib, Corsodyl waa mouthwash dukaan walba laga helo

walaal rooda aadbaan marka hore kuu salaamayaa Corsodyl waa mouthwash dukaan walba laga helo weligay ma isticmaalin waayo mar aan lebelkeeda akhriyey waxay iila muuqatay in loogu talo galay dadka ciridku xanuunayo waayo aniga ciridkagu waa uu caafimaadqabaa midabkiisuuna waa madawcasaan isku ladhan waxanse isticmaalay oo aan sanad ka hor tijaabiyey mouthwash isna lagu magacaabo retardex oo aan filayo inay isku bah yihiin corsodyl iimanay shaqayn runtii,
kiniinkan aad sheegaty inaad ku ladnaanto markaad isticmaalayso waxa isna ii sheegay wiil kale oo soomaaliyeed oo ila soo xidhiidhay wuxuu sheegay inuu ku ladnaado mudo uu qaadanyey laakiin urtu kusoo laabatay markuu joojiyey anigu dhakhatar ma ihi laakiin kiniikani waa antibiotic waxa loogu talo galay in lagu daweeyo xanuun ka gerd ee aan hore kuu waydiiyey inaad qabto,H pylory oo ah gaasteriga somalida aadka ugu dhaca, wuxuu kaloo dib u dhayaa dhibaatada iyo dhaawaca ay gaastan faraha badan ee caloosha ka imanaysaa u gaysato dhuunta iwm, kiniinada antibioticsku sida Omeprazole metronidezole iyo kuwo kale oo badani waxa laga yaabaa inay kuu shaqeeyaan marka ugu horaysa ee laguu qoro laakiin mudo kadib ay itaal dareeyaan oo aanay shaqayn, sababtuna waxa weeye bateriyadu resistant ayey ku noqonaysaa antibioticska ama way iskacaabinaysaa waayo antibioticstlu markiiba waxay madhinaysaa bacteritada intiida itaalka daran laakiin ogaw waxa marwalba soo hadhaysa in xoogbadan oo dib isu dhalaysa oo aanay dawadu waxba ka qaadayn lagana yaabo inay kaba sii darto xaaladu,
marka taasaa keenaysa in marwalba oo aad course antibiotics ah dhamayso ay hadana xaaladau halkeedii ku noqoto sabata kale waxa weeye ee iyana dhibaatada ahi dawo kasta oo antibiotics ahi waxay dishaa bactriyada nooceeda san iyo teeda xunba taasoo meesha kasaarysa bactriyada wanaagsan ee aynu u baahanahay ee qaarkeed xitaa afqdhmuunka joojiso, waxan kula talin lahaa qofwalba oo qaata antibiocs inuu ka daba geeyo probioticks si ay benefecial bacteriyadu ugu soo noqoto ama labada uu is dhinac wado isagoo marwalba danbaysiinaya probioticska waayo hadaad horaan cunto probioticka oo aad antibioticna liqdo dee antibiotigu wixiiba cagtay marinaysaa indiscriminately.
From Nagiib