Musiibooyinka 7da ah ee haysta dadka isqaba

MUSIIBOOYINKA 7DA AH EE HAYSTA GUURKA
Xuseen Baashaa
RBC Kampala
Musiibooyinka 7da ah ee haysta dadka isqaba Caalamkan aynu joogno aad & aad ayey u gilgilayaan Tiirarka Dhismaha Qoysku ku taagan yahay, waxaana waajib ah in dhammaan Dhinacyada oo dhan ay ku dadaalaan sidii loo dhisi lahaa Jacayl, isla markaana loo ilaalin lahaa Jacaylkaasi qaab wadajir ah.
Musiibooyinka 7da ah marka laga eego dhinacyo badan waxa ay noqonayaan sidatan :-
1. Khiyaanada:
Waana midda ugu wayn Gafafka, tiro koobyada caalamiga ah waxay tusinayaan in aynu ku nool nahay Caalam ay ku badatay wax kharribid iyo wax ku cayaaris, halka ay Ragga iyo Dumarkuba ku nool yihiin Xaalado shaki ah iyo halka ay keentay Isbedellada Caalamiga ah in wax kasta ay isku qasmaan, taasoo dhalisay in ay dhalaasho Muqaddasnimada Xiriirka Guurka.
Markaa waxay noqotay Khiyaannadu mid ka mid ah Gafafka qaabili kara in la iska saamaxo iyo in lalaabo wixii la soo dhaafay. Haddaba markay xaaladdu sidaas oo kale tahay waxaa muuqanaya in ay Khiyaannadu ka gashay Kaalinta koowaad Musiibooyinka ay waajibka ku tayahay Shaksiyaadka iyo Ururaduba in ay ifiyaan oo ay la diriraan, iyagoo ka duulaya Akhaalqiyaadka iyo Mabaaddiida loo sammeeyey laguna aasaasay Guurka.
2. Kalsoonida Gil-gilatay:
Qodobka kalsoonidu wuxuu matalayaa midka ugu wayn ee isku xira labada isqaba dareen ahaan qaab ka xoog badan sida ay waajibinayso Qodobbada  Qoraallada Heshiiskii ay kala saxiixdeen labadoodu.
Marar badan Kalsoonida gilgilatay waxay keeni kartaa in uu tabar darreeyo Dhismaha Guurka, taasoo ka dhalatay natiijada shakiga la is dhaafsaday ee ku saabsan Hab-dhaqanka labada dhinac.
Jacaylka lumay waxaa lagu shabbahaa sida Noole dhaqse u gaboobaya haddaynaan siin oo aynaan ku taageerin Dawadii Dhallin yarayn lahayd waqti kasta. Jacaylku waa shay u baahan in lagu mashquulo isaga, balse haddii laga tago si uu u koro isagoo ka fog Dadaalladeenna is-dabajoogga ah waxaa ka imaanaya Dhibaatooyin fara-badan, oo aadba ka garan karto Cabashooyinka malaayiin Qof oo ka cabannaya Xiriirka Qallalan ee Qallafsan, ee u baahan Diirin iyo Isjacayl.
Is-daneyn la’aanta Jaceyleed: –
In badan Xiriirka Guurka dhexdiisa waxaa dhacda in mid ka mid ah labada is-qaba uu daneyn waayo Baahiyaha Qofka kale ee la wadaaga Nolasha Qoyska, taasina Macneheedu waxa weeye: Qofkiiyoo isu arka Naftiisa mar kasta inuu yahay qofka ay  waajibka tahay in muhimadda la siiyo Danihiisa & Baahiyihiisa, taasi waxay dhacdaa Tusaale ahaan markii uu Ninku u arkayo in in ay waajib tahay in Haweenaydu ay noqoto sida Dayaxa oo kale – ma aha xagga Quruxda oo kaliya -                ee waa xattaa sida uu u nidaamsan yahay marka uu la meeraysanayo Meerayaasha kale.
Hab-dhaqannada Qasabka ah:
Waa Dabeecadaha aan habbooneyn ee qof leeyahay, isla markaana uu aaminsan yahay qofku inuusan iska jari Karin, sidoo kalena ay Dhinaca kale waajib ku tahay inuu sidaas ku aqbalo, kula qabsado, raalina ku ahaado, haddii kale, …..!!
Kala-Caajis :
Tanina waa Musiibo culayskeeda leh, iyadoo Caalamka maanta jooga uu ku tilmaaman yahay Fir-fircooni & Dhaq-dhaqaaq joogta ah oo xiisa badan, haddana dadku waxay Guryahooda u hoydaan iyagoo isu dhiibay Caajis & Niyad xumi, kuwasoo cunaaya Waqtigooda iyo Naftoodaba, waxaana dabiici ah in arrintaasi ay dib ugu soo noqoto saammaynna ku yeelato Xiriika Guurka, maxaa yeelay Caajiska & Murugaduba wuxay weeraraan Xiriirka Qoyska markuu ugu Tabar yar yahay.
Madax-adayga:
Waa Dabeecadda qaashada Go’aannada dhinac keliya & ku dhegenaashahooda, taasina waxay keenaysaa Gaashaan ka dhigashada Nafta & in la jaro Buunddooyinka Wada-hadalka & Is-fahanka.
Khiyaanada Dareenku waxaa laga yaabaa in ayan noqon mid jirka ah, balse waxay noqon kartaa mid nafsaani ah, taasina waxay dhacdaa marka uu Qofku la noolyahay Xusuusyo Tiiraanyo leh, oo uusan Shaqa ku lahayn Qofka Nolasha Guurka la qaybsanaaya xilliga markaa taagan.
Aamuska Wax-dila :
Aamusku waa Cadowga Wada-hadalka, wuxuuna ka guuraa Aamus caadi ah oo isu beddelaa Aamus dilaa ah, misna wuxuu daboolaa isagoo Culays ku ah Nafta, markaana ka takhalusaa waxyaalaha suura gelinnaya in la wada xiriiro.