Munaasibad lagu xusayay Muwliidka Nabigeena -Mux’ed SCW oo magaalada Kampala lagu qabtay.(Sawiro)
Munasibad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna weyneynayay dhalashadii nabigeena Mux’ed S.C.W oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee islaamka ku nool wadanka Uganda ayaa waxaa lagu qabtay Masjidka Qadaafi oo ah masjidka ugu weyn ee wadanka Ugadna oo uu dhisay madaxweynihii wadanka Liibiya Mucamar Al Qadaafi illaah ha u naxariistee.
Goobta ay ka dheceysay munaasibadani Mowliid oo ay si weyn uga dhex muuqdeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Uganda ayaa waxaa si weyn u suura galiyay in ay ka qeyb qaataan Soomaalida Culumaa’udiinka Ahlusunnah Wal jamceela kuwaasi oo waday tan iyo markii ay dhalatay bishani qasaa’id lagu weyneynayo Xuskani.
Xaafada ay Soomaalida ka degantahay magaalada Kampala ayaa waxaa lagu dhexe arkayay gaadiid farabadan oo ay saaran yihiin culumaa’udiinka Ahlusunnah wal Jameeca iyo dhaliyaro loo diyaariyay in ay ka qeyb galaan weyneynta xuska nabigeenka Mux’ed S.C.W kuwaasi oo qaadayay qasaa’id soo jiitay dadkii dhageysanayay isla markaana soo xasuusiyay dalkii hooyo iyo sida loogu dhigi jiray dabaaldegyadan sidan oo kale ah ee lagu weynenynayo dhalashadii Xabiibkeena Mux’ed N.N.K.H.
Sidoo kale Muslimiinta Wadanka Uganda ayaa waxaa ay iyagana ahaayeen kuwo wejiyadooda laga dhehanayay jeceylka ay u qabaan Rasuulkeen waxaana ay ahaayeen kuwo u soo diyaar garobay munaasibadani kuwaasi oo garaacayay daf isla markaana qaadayay qasaa’id luqqadooda ah taasi oo dadkii ka soo qeyb galay munaasibada soo xasuusiya hal ku dhig ahaa nabi alloow Ninba afkii kugu ammaan.
Culimadii ka soo qeyb gashay waxaa ka mid ahaa Muftiga ugu weyn wadanka Uganda oo lagu magacaabo Shiikh shacbaan Murajab waxaana uu isagoo si gaar ah ula hadlayay warbaahinta qaranka munasibada kadib ka war bixiyay sida ay muslimiinta ku nool wadanka Uganda uga soo qeyb galeen xafladani,waxana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay midoobaan oo ay iska daayaan dagaalada dhexdooda ah.
Sidoo kale C/qaadi Macalin Yuusuf ( C/qaadir Sunni) oo ah hogaamiyaha culumaa’udiinka Ahlusunnah Wal jacmeeca ee wadanka Uganda ayaa isna ka war bixiyay sida Soomaalida ay ugu soo diyaar garoobeen ka qeyb qaadashada weyneeynta Bisha Mowliid oo ah xiligii uu dhashay nabigeena Mux’ed SCW,waxaana uu xusay in weli ay dhiman tahay xaflad ay ugu tala galeen Bishani tanina ay kala qeyb galayeen Muslimiinta Uganda.
Max’ed Ibraahim Raage
Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed
Kampala Uganda.
Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
Shiikh Shacbaan Murajab oo ah Muftiga ugu weyn Muslimiinta wadanka Uganda
Shiikh Shacbaan Murajab oo warbaahinta Qaranka la hadlaya
Shiikh C/qaadir Sunni oo isna ka war bixinaya sida ay uga soo qeyb galeen Munaasibadani
















