Mudane ka tirsan baarlamaanka oo lagu dhaawacay magaalada Muqdisho.
Mid kamid ah mudanayaasha baarlamaanka soomaaliyeed ayaa lagu dhaawacay maanta magaalada Muqdisho xilli uu marayay mid kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.
Xildhibaankan oo lagu magacaabo Xasan Cabdi Aadan (Albaro) ayaa saarnaa gaari uu watay markii uu dhaawacmayay waxaana la sheegay in xildhibaankan uu soo gaaray dhaawaca kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka mid ah kuwa dowlada kumeelgaarka ah oo ku sugnaa agagaarka taaladii Sayidka.
Xildhibaanka ayaa la sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray lugta isagoo la geeyay isbitaalka Madina halkaas oo lagu daweeynayo.
Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay in gaariga xildhibaanka rasaas lagu furo ilaa iyo haddana wax war ah kama soo bixin dowlada kumeelgaarka ah oo ku saabsan dhaawaca xildhibaankan.
Ma aha markii ugu horeysey ee waxyeello ay soo gaarto xildhibaanada ku sugan magaalada Muqdisho. Hase yeeshee dhaawaca xildhibaankan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli muran uu ka dhex jiro xubnaha baarlamaanka soomaaliyeed.
Horaantii bishii November ee sanadkan ayaa xildhibaan Aadan Buule Maxamuud waxaa lagu diley degamada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.
















