Mitt Romney Oo Ku Guuleestay Doorashadii New Hampshire
Mitt Romney Oo Ku Guuleestay Doorashadii New Hampshire
New Hampshire (RBC) Doorashada hor dhaca ah ee xisbiga Jamhuuriga ay ku loo lamayaan dhowr mudane ayaa waxa shaley ku guuleestay gobalka New Hampshire duqii horre gobalka Massachusetts isagoo keenay 37% cod
Waxa kaalinta labaad galay Ron Paul oo kongrees ka soo gala xisbiga jamhuuriga Ron Paul oo helay 23% cod iyagoo duqii horre Utah Jon Huntsman oo galay kaalinta seddaxaad isagoo helay 17%.
Rick Santorum iyo afhayeenkii horre aqalka cad Newt Gingrich ayaa ka keenay doorashadii ka dhacday New Hampshire 10% kiiban
Doorashooyinkan ka dhacaya dalka maraykanka ayaa waxa lakala ogaan doona cida ku guuleesta bisha August
Mitt Romney ayaa ku eedeeyay madaxweyne Barack Obama in uu ku fashilmay badbaadinta dhaqaalaha liita ee hadda ka taagan dalka Maraykanka.
Waxa uu sheegay madaxweynaha in uu ku guul dareestay siyaasada dibada
Mitt Romney ayaa ugu horreeya musharaxiinta xisbiga Jamhuuriga ee u tartami doona xilka madaxweynaha marka lagaaro bisha November iyadoo hadda uu rajo fiican ka qabo in u ku guuleesto doorashada xigta ee ka dhaceysa gobalka South Carolina ee bishan.
Waa qof noocee ah?
Qaar ka mid ah taageerayaasha duqii Massachusetts Mitt Romney
Taarikhdiisa Mitt Romney Oo Kooban
Mitt Romney waxa uu dhashay March 12, 1947 waxana uu ku dhashay Detroit oo ka tirsan Michigan waxa dhalay duqii gobalka Michigan, George Romney,
Waa siyaasi, haddana ah ganacsade, tii oo ay jirto haddana waxa loo doortay duqa gobalka uu hadda u taagan yahay Massachusetts 2003, waxa u isku dayay in uu xisbiga Jamhuuriga u doorto musharaxa uga qeybgaya doorashadii 2008-dii laakin waxa ka adkaaday John Makayn.
Waxa shahadada kowaad ka qaatay Brigham Young University 1971.waxa kaloo uu galay Harvard Law School iyo Harvard Business School oo ka qaatay labo shahaado oo kala ah law degree iyo M.B.A. sanadkii 1975.
Peter Hopkins oo ka qeybgalaayay doorashadii ka dhacay Talaadadii gobalka New Hampshire
Mitt Romney waxa uu lee yahay xaas iyo shan wiil , waa nin ka tirsan kooxda masiixiga
Haddii aan u soo laabano doorashadii ka dhacay xaley gobalka New Hampshire.runtii waa la filaayay in uu ku guuleesan karo waayo waxa uu helay 36% cod iyadoo ninka ku soo xigga u Ron Paul uu keenay 23% cod
Sidoo kale kaalinta seddaxaad waxa galay duuqii gobalka Utah. Jon Huntsman oo helay 18%. sidoo kale afaraad waxa helay afhayeenkii aqalka baalamaanka Newt Gingrich halka kaalinta ugu dambeesa uu keenay Rick Perry sanatarkii Pennsylvania
Doorashadii ka dhacday gobalka Aayawa waxa ku guuleestay Mitt Romney cod aan badneen markii
Waxa uu weerar afka ku qaaday madaxweyne Brack Obama oo ugu yeeray madaxweyne guul dareestay.
” Waxa uu yiri Romney waxan ka codsanayaa dadka reer South Carolina waxa in ay ku biiraan muwaadiniinta New Hampshire si sanadkan looga turo meesha Obama.”
“Caawa waan dabaal dageenaa barrina waxa ku laabaneynaa shaqada,” ayuu sheegay Romney
Waxa uu sheegay in guul taarikhi ah ka gaareen guusha labaad doorashada hordhaca ah , waana markii ugu horreysay oo xisbiga Jamhuuriga ay guulo waa weyn ka keenaan Jamhiiroga labada gobal Aayawa iyo New Hampshire.
Waxa uu raadinayaa in uu markale ku guuleesto doorashada xigta ee ka dhaceysa 21-da bishan January gobalka South Corilana
Qaar ka mid ah taageerayaasha duqii Massachusetts Mitt Romney
RBC Radio
——————-
Xafiiska Wararka Nairobi
















