Milan oo u awood sheegatay Cesena dibna ugu soo laabatay hogaanka Serie Ada halka Roma ay kaalinta shanaad soo caga dhigatay.
20 Feb 2012 Kooxda AC Milan ayaa dib ugu soo laabatay hogaanka Serie Ada kadib markii 3-1 ugua wood sheegteen Cesena oo ay marti ugu ahaayeen Stadio Dino Manuzzi.
Goolal ay kala dhaliyeen Sulley Muntari, Urby Emanuelson iyo Robinho ayaa seddex dhibcood u xaqiijiyay kooxda Rossoneri, iyadoo Cesena uu xilli danbe hal gool u soo celiyay Daniel Pudil.
Milan ayaa u baahneyd guul si ay ugu soo laabtaan hogaanka horyaalka ka dib markii Juve ay xalay labo dhibcood ku qabatay ka dib guushii ay ka gaartay Catania.
Milan ayaa haatan hogaanka Serie A ku heysa hal dhibic, lakiin kooxda Juventus ayaa waxaa u harsan hal kulan marka loo fiiriyo kooxda ay hogaanka ku tartamayaan.
Dhanka kale Roma ayaa gool dirqi ah kaga badisay Parma waxayna goolkaas kaga mahadcelinayaan Borini.
















