Midoowga Yurub oo taageeraya dalalka ay Soomaaliya ka mid tahay

Uruka Midowga Euro pore ayaa  sheegay in ay doonayaan hormarinta siyaasadda cusub ee lagula dagaallamayo ammaan darida xooggan ee ka jirta gobolka Geeska Africa iyo wadamada galbeedka ee ku yaala badweynta India.
Howlgalkaan ayaa noqon doona qorshe lagu xoojinayo la dagaallanka burcad badeedda iyo ammaan darrida ka taagan gobolka Geska Africa, taas oo loo marayo xoojinta  awoodda ay dowladdaha bariga Africa ay u leeyihiin in ay sugaan ammaanka xeebahooda  sida ladagaallanka burcad badeedda iyo argagaxisada.
Qoraalkaan uu soo saaray Midowga Europe ayaa lagu sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan hormarinta iyo dhisidda ciidanka ilaalada xeebaha dalka Soomaaliya oo ay sheegeen in ay u arkaan muhiim iyo   in burcad badeedda ay la dagaallamaan.
Waxaa la xoojin doonaa awoodda ay ciidamadu u leeyihiin la dagaallanka burcad badeedda iyada oo lagu taageerayo qalabkii ay adeegsan lahaayeen.
Taageeradaan ayaa waxaa ka faa’iideysan doona wadamada Soomaaliya, Djibouti, Kenya, Tanzania, Mozambique , Seychelles, Maurtius, iyo Yamen, Waxaa dareen gooni ah la siin doono maamul gobolleedyada Somaliland, Punt land, iyo Galmudug.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
 
Yurub                                            +442035190460
 
USA & CANADA                         17124327760