Messi oo Rikoor kale ka jabiyay Horyaalka Yurub (Faah Faahin).
15 Fab 2012: Leonel Messi oo ah Xiddiga Aduunka ayaa kulankiisii Xalay dhaliyay Gool uu ugu dabaal dagay Maalinta Jaceylka Aduunka.
Goolka Messi ayaa noqday kiisii 19-aad ee uu ka dhaliyo koobka Horyaalka Yurub (Uefa Champions League) wareegyadiisa isreeb reebka Lug baxa ah ama loo yaqaan (Knock Out Sages).
Waxa uu dhaafay Raul Gonzalez iyo Andriy Shvchenko oo Sanado badan u Cayaarayay labada koox ee ugu tunka weyn tartankaan ee Real Madrid iyo AC Milan.
Goolasha Messi ee 19-ka ah ayaa waxa uu 6 ka mid ah ka dhaliyay Arsenal, min 2 gool waxa uu ka kala dhaliyay Kooxaha Man Utd, Celtic, Bayer Munich, Stutgart iyo Real Madrid.
min 1 gool waxa uu daba mariyay kooxaha Lyon, Shakhtar iyo Bayer Liverkuson oo uu xalay ka dhaliyay.
Rikoorkan uu gaaray Messi waxa ay ku qaadatay isagoo 24 jir ah, halka Raul iyo Shvchenko da’dooda sodomeeyada ay ku gaareen.
Waa tan Shaxda sida loogu kala horeeyo Rikoorkan :
PLAYER
CLUB
PERIOD
GOALS
Lionel Messi
Barcelona
2005-
19
Raul
Real Madrid/Schalke
1995-
18
Andriy Shevchenko
D. Kiev/AC Milan/Chelsea
1994-
18
Filippo Inzaghi
Juventus/AC Milan
1997-
16
Wayne Rooney
Manchester United
2004-
14
Leo Masii oo ah Mucjisada Xilligaan ee Kubadda Cagta ayaa waxa uu sii wadaa Gool dhalinta aan xadka laheyn, isagoo Xilli Ciyaareedkii dhamaaday uu dhaliyay 53 gool dhamaan Tartamada.
Xiddigaan ah Kabtanka Qaranka Argentina ayaa ilaa iyo hadda dhaliyay 44 gool oo tartankaan ah, waxa uuna booska Lixaad kasoo galay Rikorka Ciyaartoyda ugu gool dhaliska badan ee Tartankaan.
Raul ayaa waxa uu ku hogaaminaayaa 71 gool oo Tartankaan Horyaalka Yurub ah, Kaalinta Labaad waxaa ku jira Van Nistelrooy oo 56 gool dhaliyay, Henry 55 gool, Shevchenko 48, Inzaghi 46, halka Messi oo Kaalinta 6-aad fadhiyo uu leeyahay 44 gool waana 24 Jir.
Ninka ay Messi Xifaaltamaan ee C.Ronaldo ayaa leh Tartankaan 31 gool.
Messi ayaa sidoo kale Jabiyay Xalay Rikoor kale oo ah goolasha ugu badan ee Cayaaryahan ku dhaliyo meel ka baxsan Garoonkiisa hal Xilli Ciyaareed oo Tartankaan ah.
Goolkii 7-aad ee uu Xalay dhaliyay Messi kaas oo uu ku dhaliyay meel ka baxsan Garoonkiisa Camp Nou, ayaa ka dhigtay in uu la sinmo Ciyaartoyda kala ah Jari Litmanen (1995-96), Hernan Crespo (2002-03) iyo Thierry Henry (2002-03) oo dhamaantood min 7 gool kusoo dhaliyay banaanka garoonkooda.
Tartankan Horyaalka Yurub waa kan ugu Xiisaha badan Tartamada Kubadda Cagta Caalamka ee dhanka Kooxaha.
Barcelona ayaa 3-1 kaga badisay Bayer Liverkuson Xalay Lugta Koowaad ee Wareega 16-ka Koox ee Tartanka Horyaalka Yurub, waxa ayna dib labada koox ugu Cayaari doonaan Garoonka Barca ee Camp Nou bisha soo socota.
Leo Messi iyo Mario Gomes oo Bayer Munichen u Cayaara ayaa min 7 gool ku hogaaminaaya dhinaca gool dhalinta ee tartankaan.
———————————————————————————–
Waxaa Qoray Tifaftiraha Somgoal
















