Maxay Somaliland uga nabad sareysaa Puntland?

Maqaal: Maxay Somaliland uga nabad sareysaa Puntland
Ahmed Girdhoa
girdho@hotmail.com
Waxaan marar badan la yaabay farqiga weyn ee u dhaxeeya nabada ka jirta Somaliland iyo Puntland. Marka la fiiriyo xaga dadka iyo dhulka, hakala bataan hana kala dheeraadaane, laakiin waa wax isku dhow. Haddi ay qalalaaso jiri laheydna waxay aheyd in ay xaga Somaliland u badato marka la fiiriyo inta qabiil/jufo ku nool carigaas oo wiliba ka dhaxeyso cadaawad soo jireen ah oo xataa dagaaladii sokeeye ay isku gumaadeen.
Taariikh xumadaas oo aan ka jirin Puntland, iyo ayada oo hal qabiil wada daganyahay maxaa nabad loo la’yahay? Maxaa Puntland yaala oo Somaliland aan oolin? Maxaase dadka ka dhaxeeya oo har iyo habeyn si bareer ah loogu laayaa? Dadka hadeer madaxda u ah Puntland nasiib daro dadkii dawaq bey galiyeen oo xataa waxay xireen aaladihii tashaawurka ahaa oo dadku ra’yiga iyo talo isku dhaafsan lahaayeen si shacabku uga qeyb qaato talada iyo daadihinta nabada.
Faroole wuxuu xiray meel walba uu is lahaa ficilka iyo shaqada uu hayo baa wax lagaa wiidiinayaa, ayada oo masuuliyiintii isku daydana aflagaado loogu geysto baarlamaanka. Tani waxay keentay in shacabkii been iyo wax aan jirin loo sheego saasna ay ku aaminaan. Markii qof la dilo waa Shabaab, cadow shisheeye, iyo qabiilada masaakiinta ah oo aan awooda laheyn in hadba la masibito bay keentay.
Su’aasha dhabtaa baa waxay tahay maamul xuma baahsan baa cariga Puntland ka jirta oo aan waxna ka qaban karin dilalka iyo rabshadaha soo laalaabta. Laakiinse ma jiraan siyaasiyiin, aqoonyahano, iyo saxaafad madax banaan oo arintaa dhihi karta.
Aniga ila ma aha in Somaliland ka ciidan iyo booliis badantahay Puntland, am ka dhakhli badantahay, laakiinse waa ka nidaam fiicantahay, Ilaahayna ummadba umad inta ay uga cadaalad dhowdahay buu ugu raximaa.
Puntland xataa wili meysan fahmin in waxa carigeeda ka dhaca ay masuuliyadeeda leeyihiin, sida aan marar badan aragnayna eedii ay laheyd dowladu waxaa loo leeciyaa Shabaab iyo dadyow kale oo maskiin ah. Tani waxay keentay in masuul uusan jago iyo masuuliyad ku weyn amni xumada baahsan oo carigaas ka jirta.
Nidaam iyo booliis xumada waxaa marag u ah in dilalka dhaca ay meelo mucayina lana yaqaan dadka ay bartilmaadsadaan laakiinse aan waxna laga qaban. Dadka qaar baa laga yaabaa in ay si dhahaan Galkacyo waa meel xuduudeed, laakiinse Boosaaso oo kaalinta mug leh uga jirta dilalka iyo toogashada qorsheysan ma dhul xuduudeed baa?
Wax ka qabasha la’aanta Galkacyo iyo Boosaaso waxay keentay in amni xumado ku fido meelo nabad ahaan jiray sida Karkaar. Eedaan waxaa iska leh maamulka taagta daran ee hada jira, waxaana nasiib leenahay hadii uusanba qorshaha iyo nidaamka dilalka uusan qeyb ka aheyn.
Puntland kama jiro maamul wanaagsan oo khubaro booliis oo tababaran, daacada, oo leh furuuqdii booliiska sida danbi baarayaal. Waxaa meelaha jooga masuuliyiin magac reer u ool ah. Waxaad Puntland ku arki qof hal jago hayay 10 sano iyo ka badan.
Waxaa wax lala yaabo in labo maamul oo isku tayo ah oo hadana jaar ah midna uu dulmi iyo dil u saaxiib yahay midna raaxo iyo nabad.
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY FIKIRKAAN AMABA MAQAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM