Maxaa Gaabiyay Doorkii Qurba Joogta ee Lashaqaynta Mamulka Gobolka iyo Degmada Galkacyo.

Galkacyo(Puntlandi.com);- Qurba joogta reer Puntland gaar ahaan kuwa Gobolka Mudug ayaa ka gaabiyay kaqaybqadashada amaanka iyo hormarka Gobolka Mudug iyo gacan siinta mamulka cusub ee ay horkacayaan Maxamed Yusuf Jamac iyo Col.Siciid Cabdi Farax.

Xiligii talada Gobolka uu hogaaminayay Gudomiyihii waqtiga kooban Gobolka hormarka iyo xasiloonida muuqata gaarsiiyay Maxamud C/raxmaan Cuuke waxaa qurba joogta reer Mudug kamuuqatay isku xirnaan iyo abaabul ku aadan kaqaybqadashada amaanka iyo hormarka Gobolka Mudug.
Ma Waxay Saluugsanyihiin Shaqada mamulka,Aqoon dheerada miyaysan ulahayn hogaamiyayaasha hada talada haya,misa waxay ka hanjabeen Gobolka iyo shaqadii ka socotay xiligii uu booska baneeyay Maxamuud C/raxmaan Cuuke,Misa amaanka Gobolka oo xumaaday iyo gabiska mamulka ayaa hanjabiyay, waaa su’aalo maankayga ka guuxaya?.
Waxaa meesha kabaxay taageero ay ufidiyeen mamulkii uu horkacayay Gudomiyihii Gudiga Amniga iyo mamulka Gobolka Mudug Maxamuud C/raxmaan Cuuke waxaa hakad galay kulamo iyo abaabulo ay ku taageerayeen Gobolka Mudug iyo xiriiro joogtaa oo madaxda Gobolka ay laqaadanayeen.
Qurbajoogta Gobolka Mudug ayaa ku yaboohay xiligii Mudane Cuuke dhaqaale gaara oo loogu talagay ciidamada madaniga ee ilaalada xafadaha waxaana bilihii udanbeeyay joogsaday mishaaraadkii ciidamada deetana Madanigii meesha kabaxay.
Mamulka Gobolka iyo Degmada mashaacin ujeedada rasmigaa ee kadanbaysa in jaliyadaha dibada ay joojiyaan dhaqalihii loogu talagay mishaaraadka ciidamada ilaalada xafadaha ee Madaniga waxaana hada si toosa u soo shaacbaxday in door muuqda aysan jaliyadaha dibada ku lahayn shaqada mamulka Gobolka iyo Degmada uu hayo.
Hadii isku duubnaan iyo wadashaqayn ay dhaxmarto mamulka iyo Jaliyadaha dibada waxaana suura gala in Gobolka uu kabaxo gaabiska ragaadiyay talooyin iyo maalna ku taageeraan mamulka hadii uu ka kasbado.
Ali Ahmed Abdi
Ali@puntlandi.com