Martida: Maxamed Cabdillaahi Farmaajo

Ra'iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya Max'ed C/laahi Farjaamo ayaa ka digay ciidamada Ethiopia iyo Kenya ee soo galay gudaha Soomaaliya taasoo uu sheegay inay keenayso in awoodda al-Shabaab ay xooggeysato.
Farjaamo oo marti ku ah barnaamijkeena Martida Makrafoonka ayaa sheegay in Soomaaliya aysan xilligan u baahnayn ciidamo ka socda dalalka deriska oo gudaha u gala, isagoo xusay in faragelinta dalalka derisku ay xaaladda ka sii dari doonto.