Mareykanka oo sheegay diyaaradahooda duuliyaha laheyn ay bilaabeen howl gal dhanka hawada Soomaaliya ka fulinayaan

Taliska Ciidamada cirka ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradahooda aan duuliyaha laheyn ee Drones ay bilaabeen howl gal dhanka Hawada ah, si ay u baadigoobaan Saraakiisha Al-Shabaab ee ku sugan Koofurta Soomaaliya.
Sida ay qortay Wargeyska Washington Postoo soo xiganayay saraakiil, diyaaradahan ayaa ka soo duuli doona Garoon ku yaal dalka Itoobiya oo xarun u ah diyaaradaha duuliye la’aanta.
Garoonkan ay ka soo kici doonaan diyaaradaha oo lagu magacaabo Arab Minch ayaa waxay diyaaradahan sameyn doonaan dhaq dhaqaaqyo xog raadis iyo basaasnimo ah, waxaana diyaaradaha qaarkood oo ah kuwo Gantaalada ku rakiban yihiin ay markiiba sameyn doonaan weerar duqeyn ah, hadii ay bartilmaameed ay arkaan.
Afhayeenka Guutada 17 ee Ciidamada cirka Mareykanka James Fisher ayaa sheegay in diyaaradooda wax basaasa ee duuliye la’aanta ay sameyn doonaan sahmin iyo xog raadis, kadibna ay bartilmaameedsanayaan goobaha ay ku sugan yihiin Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida
Mareykanka ayaa sheegay in Itoobiya ay kala shaqeyn doonaan howlaha la dagaalanka Al-Shabaab ee Soomaaliya, iyadoo horay u jireen warar sheegaya in diyaaradaha Mareykanka ee Drones ka soo duuli doonaan Garoon ku yaala dalka Itoobiya.