Maraykanka oo ku xirey hirgelinta Roadmapka kaalmeynta mustaqabalka dowlada Soomaaliya

U qeybsanaha qaramada Midoobay ee arrimaha Siyaasada dowlada Maraykanka ambassador Delaurentis oo khudbad ka jeediyey fadhi ay yeesheen golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo loogaga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa qudbad uu ka jeediyey waxa uu sheegay in saxiixayaasha heshiiska Roadmapka uu xil ka saaran yahay hirgelintiisa isla markaana dowlada Maraykanka ay saxiixayaashaasi la xisaabtami doonto haddii uu hirgeli waayo qorshahaas.
Safiirka ayaa sheegay in  saxiixayaasha ay mas’uul ka yihiin  hirgelinta qodobada ku jira Roadmapka sida dastuur la isku raacsan yahay,dib u habayn lagu sameeyo baarlamaanka iyo doorasho ku dhacda si cad oo la taaban karo.
 
Safiirka ayaa intaasi ku daray in taageerada dowlada Maraykanka ay ku xirnaan doonto hirgelinta qodobada ku jira Roadmapka,   waxaan garab taaganahay shacabka soomaaliyeed balse waxaan diyaar u nahay inaan dhabarka u jeedino haddii DKgaarka ah iyo maamulkaba ay soo bandhigi waayaan horumar cad oo la taaban karo sanadka 2012ka, safiirka ayaa amaanay kulankii ka dhacay Garowe hase yeeshee waxa uu sheegay inaysan weli gaarin dhinacyada siyaasada soomaaliya wadadii lagu hirgelin lahaa roadmapkka waxana uu xusay inay sugayaan kulanka kale ee lagu wado in la qabto bishan oo ku saabsan hirgelinta roadmapka,   isagoo sheegay inay rajaynayaan in kulankan ay ka soo qeybgalaan qeybaha bulshada rayidka ee soomaaliyeed.
Safiirka waxa uu sheegay in dowlada maraykanka ay soo dhoweyneyso kulanka ay ku baaqday xukuumada ingiriiska in lagu qabto dalkeeda bisha febraayo ee sanadkan,waxana uu ammaan weyn u soo jeediyey wakiilka qaramada midoobay ee soomaaliya Mahiga isagoo taageeray soo rarida xafiiska siyaasada ee qaramada mdioobay loo soo rarayo magaalada Muqdisho bishan.
Safiirka ayaa sheegay in dowlada Maraykanka ay ku bixiso qarash faro badan ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ayna sii wadi doonaan maalgelinta ciidamada ka socda AMISOM ee dalka Soomaliya ku sugan.