Mancini:Manchester City xiligan waxa ay ku heertahay Barcelona,Real Madrid,iyo Man Chester United.

22 Nov 2011.Macalinka kooxda Man_City Roberto Mancini ayaa kooxda uu haatan leeyliyo lameel dhigay kooxaha waa weyn ee qaarada yurub, ka dib markii ay si xoogan ku bilowdeen xilli ciyaareedkan.
Kooxda City ayaa hogaanka u heysa Premier League iyadoo aan wali arag wax guuldaro ah 12 kulan oo ay cayaartay horyaalka Ingiriiska balse waxa ay hal guuldaro kala kulantay horyaalka qaarada yurub ee Champion League kulankii ay la cayaareen kooxda faca weyn ee Bayern Munich.
Sikastaba ha ahaatee kooxda City ayaa guuldaraadaa uga soo kabsatay kadib markii ay labo guul daro oo xiriir ah ay ku dhufteen kooxdii ka socotay Spin ee Villarreal waxaana ay haatan kaalinta labaad ay kaga jiraan Groupkooda, iyagoo kulan xasaasi ah ay layeelan doona kooxda Napoli, Mancini ayaana aaminsan in koodiisa ay ka mid tahay kooxaha ugu fiican yurub.
“Xilli ciyaareedka waxaan ku bilaabanay si fiican, kalsoonidaas muhim ayay u tahay kooxda” ayuu tababaraha Talyaaniga u sheegay warbaahinta.
“Uma maleynayo inaan ka fiicanahay Real Madrid, Barcelona, Manchester United, lakiin heerka ay joogaan oo kale ayaan joognaa”
Sikastaba ha ahaatee macalinka ayaa ka waraqabo in kooxdiis ay wali ubaahan tahay in ay sifiican ay ugu dhabar adeegaan si ay xili ciyaareedkan uu unoqdo mid guul leh.
“waan filayaa in uu walio xili ciyaareedka uu fogyahay ayna imaan karto in nalaga badin karo”
“sedex maalin kasto kulana ayaan cayaarnaa inkastoo uu haatan December iyo Janaayo waxey inoo noqondoontaa xili adag waana muhiim markaas in aan guulo gaarno”
_____________________________________________________________