Malleeshiyaadka Shabaab Oo Boobay Raashin Gargaar Ah
Malleeshiyada shabaab ayaa magaalada Marka ee gobolka Shabeelada hoose Boob ugu geeystay raashin garagar ah oo loogu talagalay in loo qeybiyo dadka ku tabaaleeysan deegannadaasi kadib markii ay leexsadeen dhowr gaari oo siday gaargaar.
Maleeshiyada shabaab oo markii horaba diiday in gargaar ay gaarsiiyaan hey’adaha samafalka dadka ku tabaaleeysan meelaha ay maamulaan ayaa billaabay in ay is hortaag ku sameeyaan NGO yada maxillga ah oo gaargaar aan sidaa u badneyn gaarsiinjiray dadka tabaaleeysan.
Mid kamid ah is hortaagaasi waxa ay todobaadkan dabayaaqadiisi ku sameeyeen NGO maxalli ah oo doonayay in uu gargaar gaarsiiyo dadka ku dhibaateeysan gobolka Sh. hoose gaar ahaan magalaada Marka ee xarunta gobolkaasi iyaga oo xiray mas’uulkii hey’addaasi C/kariim Aweys Aboow in kastoo markii danbe la siidaayay.
Dad goob jooga yaal ah oo ku sugun magaalada Marka oo sababo amaan Magocooda u qariyay ayaa sheegay in ay arkeen maalinti arbacada malleeshiyaad ka tirsan shabaab oo boobayay raashin gargaar oo ah nooca nafaqeysan oo loogu talaglay dadka taagta daran ee abaaruhu ay saameeyeen.
Waxaana tirada raashinkaasi lagu sheegay sadax kun oo kartoon waxa ayna shabaabku geeyeen xarumo ay magaaladaasi ku leeyihiin.
Tani waa caqabad cusub oo hor leh oo soo foodsaartay hey’adaha maxalliga ah ee raashinka gargaarka gaarsiiyay meelaha shabaabku ay joogaan waxa ayna sii cusleyneeysaa dhibatada shabaab ay markii horaba ku hayeen dadka abaaruhu ay saameeyeen.
















