Mallaay jebiyey rikoorkii iibka kalluunka ee suuqyada caalamka.

Kalluun ah nooca loo yaqaan  bluefin tuna ayaa lagu iibiyey lacag dhan 736.000 oo doolar suuq ku yaal magaalad Tokyo iyadoo qiimahaas uu yahay labablaab qiimihii u yiil rikoorka dunida ee lagu iibiyo hal kalluun.
Kalluunkan ayaa lagu iibiyey suuqa caanka ah ee lagu iibiyo kalluunka ee  ku yaal magaalada Tokyo ee dalka Japan ee Tsukiji. Kalluunkan ayaa waxaa iibsaday milkiilaha baar ku yaal magaalada Tokyo ee Kiyoshi Kimura.

Kalluunkaan ayaa sidoo kale waxa uu jebiyey rikoorkii u yiil culeyska kalluunka  isagoo noqday 269kg. Kalluunkan ayaa halkiisa kiilo uu noqday qiimihiisu $2.737una dhiganta 210,000 yen.
Kalluunka ayaa laga soo jillaabay Oma meesha la yiraahdo oo ku taal waqooyiga dalka Japan halkaas oo sanadkii hore uu ka dhacay badgariirka Tsunamiga.
 Ganacsadaha iibsaday kalluunkan Mr Kumara ayaa u sheegay saxaafada in lacagta uu ka bixiyey ay ujeedadiisu ahayd in la nooleeyo dalka Japan isla markaana aan loo iibsan kalluunka wadamo ka baxsan dalka Japan.
 Sanadkii hore 342kg kalluun noqday culeyskiisa oo  laga soo qabtay jasiirada waqooyiga Japan ee Hokkaido waxaana lagu iibiyey qiime dhan $400,000.
Wadanka Japan ayaa waxa uu yahay dalka ugu isticmaalka badan dunida cuntada laga helo badda iyadoo 80% laga isticmaalo badda Atlantic iyo Pacific.

Si kasta ha ahaatee waxaa dowlada Japan ay saartay culeys badan ee ah in la xadido jillaabashada kalluunka.