Madaxweynihii Hore Ee Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin Oo Ka Hadlay Xuska 18 May Hambalyana U Diray Shacabka Somaliland
Hargeysa (UDUB)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa hambalyo iyo bogaadin la xidhiidha labaatan guurada ka soo wareegtay madax-bannaanida Somaliland u diray guud ahaan shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku sugan yihiin.
Mudane Daahir Rayaale oo hadda ku sugan isu-tagga imaaraadka Carabta, “Marka ugu horaysa waxa aan jeclahay inaan hambalyo u diro labaatan guurada ka soo wareegtay madax-bannaanida Somaliland, aniga oo shacbiga u rajaynaya nabad iyo horumar haddii ilaahay yihaahdo, iyo wada-jir inay ahaadaan ayaan halkan uga soo gudbinayaa. Aqoonsiga Somaliland Beesha caalamka ayaan weli go’aan qaadan, waad ogtihiinoo adduunkan cid ayaa xukunta oo dedejisacidda la aqoonsanayo. Markaa waddamada awoodda leh ayaanay weli ka soo bixin in Somaliland la aqoonsado.
Waxaasne rajaynayaa haddii dadku wanaagooda iyo nabadooda ilaashadaan inay mar uun mustaqbalka aqoonsi gaadhi doonaan.”
Mudane Daahir Rayaale Kaahin

















Comments
Post new comment