Madaxweyne Shariif oo ka degay Magaalada Garowe

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka degay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal, halkaas oo ay uga qeyb galayaan shirka wada tashiga arrimaha soomaaliya oo wajigiisa labaad lagu qabanayo.
Safarka Madaxweynaha ee deegaanada Puntland ayaa ah kii labaad oo uu ku tago, iyadoo wafdigan Madaxweynaha ay noqonayaan ergadii u horeysay ee gaarta Garowe si ay shirka uga qeyb galaan.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa diyaarada gaar ah ka qaaday magaalada Muqdisho labo saac ka hor, waxaana si diiran ugu soo dhoweeyay Garowe Madaxweynaha Puntland C/raxmaan faroole iyo Mas’uuliyiin kale.
Ka hor inta aysan Madaxweynaha iyo wafdigiisa gaarin Garowe ayaa waxaa ka sii horeeyay ciidamo gaar ahaa iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada oo sii sugayay ammaankiisa.
Ammaanka Magaalada Garowe ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray goobaha ganacsiga, qaban qaabada soo dhoweynta Madaxweynaha ayaa socotay tan iyo saaka, waxaana gawaari lagu rakibay cod baahiyeyaal ay wareegayaan magaalada, waxaana ka daarnaa heeso wadani ah.
Waa booqashadii labaad ee uu Madaxweynaha ku tago Puntland iyadoo dabayaaqadkii bishii Agosto uu Madaxweynuhu tagay Garowe, isagoo saacado kooban ku sugnaa, hase ahaatee Madaxweynaha ayaa la filayaa in caawa uu ku hoydo si furitaanka shirka uga qeyb galo.