Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici oo ku dhawaaqay inuu tageersan yahay Ugaaska Beelaha Gadabuursi

Borama(Saylac.com)-Kulan albaabadu u xidhan yihiin oo ka dhacay Huteel Rays Borama oo ay ka qayb galeen wafti golaha wasiirada xukumada Silaanyo oo uu horkacayey Madaxweyne kuxigeenka Xukumada Silaanyo Cabdiraxman Saylici iyo dhinaca kale oo ay ka qayb galeen Oday dhaqameedyada GObolada AWdal iyo Salal ayaa ku dhamaada is afgarad buuxa.
Kulankan oo u ka hadlay Cabdiraxman Saylici ayaa lagu lafaguray sidii dhinac looga wada jeedsan lahaa midnimada Beelaha Gadabuursi isla markaana Ugaaska Beelaha Gadabuursi Ugaas Cabdirashid Ugaas Roble Ugaas Doodi loo wada tageeri lahaa.
Cabdiraxman Sayici oo shir Jaraa’id qabtey kulanka ka dib ayaa sheegay inuu si buuxda u tageersan yahay Ugaaska Beelaha Gadabuursi Ugaas Cabdirashid Ugaas Roble Ugaas Doodi waxana hadaladiisii ka mid ahaa ” Ugaasku maaha mid cusub ee waa mid ka taagan silsilad dheer oo ugaasnimo beelaha gadabuursi ku faanaan waana in si wadajir ah loo tageero”
Kulankan ayaa ahaa kii ugu xiiso badnaa ee lagu soo afjaro murano dhinaca dhaqanka ah oo baryahanba hadheeyey gobolada galbeed ee Somaliland.
Dhinaca kale Cabdiraxman Saylici ayaa sheegay in Maalinta beri ah ee bishan Oktoobar tahay 21 uu buuqan doono guriga Ugaaska ee magaalada Borama intaana waxa uu Cabdiraxman Saylici ku darey inuu qado sharaf balaadhan u samayn doono Ugaaska Beelaha Gadabuursi Ugaas Cabdirashid Ugaas Roble Ugaas Doodi .
Dhinaca kale Jadwadka socdaalka Ugaaska Gadabuursi uu ku mari doono degaanada Xeebta gobolada Awdal iyo Salal ayaa la sheegay in dhawaan la shaacin doono isla markaana u Ugaasku horkici doono wafti aad ubalaadhan oo iskugu jira Oday dhaqameedyo kasoo jeeda gobolka.
Wararka intooda kale kala soco saylac.com