Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo baaq u jeediyay Baarlamaanka

DaabacoSaaxib u dir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay mudanayaasha Baarlamaanka in ay xal ka gaaraan khilaafka dhexdooda ah si loo illaaliyo Danta ummada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in khilaafka Baarlamaanka uu dhaacwac ku yahay dowladda, isla markaana loo  baahan yahay in arrintaasi meesha laga saaro.
Sidoo kale madaxweyne Shariif ayaa tilmaamay in mudanayaasha Baarlamaanka ay yihiin dad saaxiibo ku ah xarumaha ay degan yihiin markii ay xarunta gollaha shacabka yimaadaanna ay col yihiin, hasa yeeshee taasi dowladda Soomaaliyeed ay ku dadaali doonto in la soo afjaro isla markaana ay shaqeyn doonaan  midnimada dhammaan hey’adda qaranka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in  Baarlamaanka looga baahan yahay in dowladda ay ka gacan ka siiyaan sidii  meesha looga saari lahaa khilaahka hareeyay mudanayaasha dhexdooda.
Haddal madaxweyne Shariif ayaa ku soo aadaya xilli mudanayaasha Baarlamaanka qaar ay guddoon cusub doorteen isla markaana ay sheegayn in xilka ay ka qaadeen Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760