Madaxweynaha dowladda KMG oo digniin culus u jeediyay dad uu sheegay inay…
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay kormeerayey xerooyinka barakacayaasha ee Rajo iyo Badbaado oo ku kala yaala degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley, kuwaas oo ay ku jiraan barakacayaashii abaaraha qaarkood ayaa digniin culus u jeediyey dadka dhaca u geysta gargaarka loogu talogalay dadka masaakiinta ah iyo kuwa isdamarinta ku sameeya raashiinka gargaarka ah.
“Weli waxaa jira dad ku howlan inay dhibaateeyaan dadka barakacayaasha ah oo ay isku dayaan inay lunsadaan wixii loogu talolgaya, hay’adaha garsoorka, kuwa ammaanka, dowladda oo dhan iyo shacabka waxaa la rabaa inay arrintaasi ka hortagaan oo tallaabo cad laga qaado dadka lunsada raashiinka gargaarka, lama fiirsan karo lagamana aamusi karo dad dhibaateysan oo loo soo gurmaday in raashinkooda la lunsado amaba si bareer ah loo dhaco sidii dhici jirtay muddooyinkii dambe” ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif oo dadka falalkaasi sameeya uga digay inay ku kacaan dhac ama isbadamarinta raashiinka gargaarka.
Madaxweynuhu sidoo kale waxa uu sheegay inaan la aqbali karin in dadkii ay waajibka ahed in la caawiyo in la dhibaateeyo, isagoo intaas ku daray inaan raali laga noqoneyn sida uu yiri arrintaasi, wuxuuna xusay in ciidamada dowladda KMG looga baahanyahay inay gacan siiyaan dadka dhibaateysan eek u jira xeryaha barakacayaasha amaba meel kasta oo ay joogaan.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay hay’adaha gargaarka inay gargaar la soo gaaraan dadka dhibaateysan, isagoo xusay inay weli jirto xaalad adag oo heysata dadkii ay abaarihii ka dhacay Soomaaliya ay xoolo tireen, isagoo xusay inay jiraan dad badan oo gargaar u baahan oo aan ka soo tegin goobaha ay ku nool yihiin, wuxuuna yiri “Waxaan ugu baaqeynaa ururka Midowga Afrika iyo haya’dda OIC-da inay diyaariyaan lacagihii horay loo balanqaaday oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka abaaruhu ku dhufteen, waayo wlei dhibku wuu jiraa”.
Si kasta oo ay ahaataba hadalka Madaxweynaha iyo booqashadiisa ayaa waxay ku soo beegmaysaa ka dib markii ay dadka barakacyaasha ah ee xeryahan ku jira ay dhigeen doraad dibadbax ay kaga cabanayaan in la musuqmaasuqo gargaarkii loogu talo-galay, isla markaasan aysan helin raashiin ku filan, iyagoo Madaxweynaha ugu baaqay inuu xaaladoodu arko, isla markaasna uu wax ka qabto dadka dhaca iyo isdabamarinta ku haya raashiinkii loogu talogalay.
















