Madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay sharciyada waddo-marista gaadiidka
Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta la guddoonsiiyay ruqsadaha lagu kexeeya baabuurta ama leysan, kaddib markii uu ka qaygbalay munaasabad lagu hirgelinayay mashruuc lagu soo celinayo sharciyada waddooyinka Muqdisho.
Munaasabaddan oo ay soo agaasintay wasaaradda dekedaha, gaadiidka cirka iyo dhulka ayaa waxaa lagu suray jidka gala madaxtooyada Soomaaliya tabeelle ay ku qoran tahay STOP ama joogso kaasoo faraya wadayaasha gaadiidka inay istaagaan ka hor intii aysan marin wadadaas.
“Aad ayaan ugu faraxsannahay in madaxweynaha Soomaaliya uu nagala soo qayb-galo munaasabaddan lagu surayay tabeellihii ugu horreeyay jidadka Muqdisho si dib loogu soo celinayo sharciyada waddooyinka Muqdisho,” ayuu yiri wasiirka dekedaha, gaadiidka cirka iyo dhulka, Aadan Cabdullaahi.
Wasiirku wuxuu sheegay in sharcigan uu wax weyn ka tarayo sugidda amaanka waddooyinka isla markaana ay wasaaraddu soo saari doonto sharciyo kale oo ku saabsan marista waddooyinka.
Madaxweyne Sheekh Shariif oo isaguna xafladda ka hadlay ayaa sheegay in tani ay qayb ka qaadayso ammaanka Muqdisho, isagoo xusay in habka darawalka uu jidka u marayo ay tahay mid qayb ka qaadanaysa amaanka iyo inuusan shil dhicin.
“Tani waxay caddeyn buuxda u tahay horumarka dhinaca ammaanka ah ee laga gaaray Muqdisho, waxaana ugu baaqayaa darawallada inay ilaaliyaan sharcigan, si aysan dhibaato u dhicin,” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ugu baaqay taraafikada inay horumariyaan howlahooda.
Waa markii ugu horreysay oo caalamad hagaysa gaadiidka la sugo jidadka Muqdisho tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaana tallaabadan lagu soo beegay iyadoo waddooyinka Muqdisho ay dib uga howl billaabeen ciidankii Taraafikada.
Source-Hol
















