Madaxa UNHCR oo Muqdisho booqday
Madaxa hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR, António Guterres oo maanta gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah wakiillada hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah.António Guterres oo kulanka kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wakiillada uu la kulmay uu kala hadlay sidii loo midayn lahaa howlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka Soomaalida ay ee ay barakiciyeen gaajada iyo harraadka.Madaxa UNHCR ayaa beesha caalamka iyo waddamada deeqaha bixiya u soo jeediyay in ay sii labalaabaan dedaallada loogu gurmanayo shacabka Soomaalida ah ee dhibaateysan, isagoo xusay in ay UNHCR si joogto ah u caawiso ilaa sagaal kun oo qaxooti Soomaali ah.António Guterres ayaa dhinacyada Soomaalida ku guubaabiyay in ay ixtiraamaan xeerarka iyo qawaaniinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.Maqaaladda La Xiriira:
- Madaxa UNHCR oo booqday xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab
- Madaxa UNHCR oo booqanaya Jabuuti
- Madaxa hay`adda UNHCR oo walaac ka muujiyay xaaladda Soomaaliya

















Comments
Post new comment