Maareeyaha Total oo xabsiga loo taxaabay iyo Xildhibaano, Aqoonyahano, Madax-dhaqameedyo iyo Ganacsatada Gobolka Gabiley oo arinkaa ka hadlay
Hargeysa (UDUB)-Xubno iskugu jira Xildhibaano, Aqoonyahano, Madaxdhaqamedyo iyo Ganacsato ayaa Xukumada Somaliland ugu baaqay in si Degdeg ah xoriyadiisa u soo Celiso, maareeyihii Shirkadda Total ee Haamaha Shiidalka Sacad Cilmi iyo xubno kale oo la xidhan, Iyaga oo sheegay in aan xadhigiisa loo marin si sharciga waafaqsan, waxa kale oo ay Xuseen in Shacabka reer Gabiley ay ku hungoobeen Xukumada jirta, iyaga oo sheegay in ay Codkii badnaa ee ay siiyeen Xukumada Siillanyo uu u keenay Xadhig, aargoosasho, iyo khilaaf siyaasadeed oo ragaadiyey Maamulkii Gabiley.
Waxna halkaasi ka hadlay Xildhiban Bashiir Xuseen Tukaale oo ka mid ah Golaha wakiilada ,Ganacsade Axmed Muxmed Cumar Aqoonyahan Abdeeq Aadan Ismaaciil iyo xubno kale, waxayna shirkaasi jaraa’id ku qabteen hotel Xaraf ee magalada Hargeysa.
Ganacsade Axmed Muxmed Cumar oougu horeyan ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “Anaga oo ah Madaxdhaqameedka, Aqoonyahanada, Ganacsatada Gobolka Gabiley ninkaasi Xidhan ee ah Mareeyihii Total ee Somaliland waa in Xoriyaddiisa si degdeg ah loogu soo celiyaa, Ninkan xadhigiisa sifo sharciga waafaqsana looma marin, waayo arintani waa kiis madani ah, haddii Xisaabi jirto waa lala xisaabtamayaa oo shirkad caalami ah ayuu wakiil ka ahaa oo isaga shirkada ku odhan lahaa dee waxaasa laydunku yeeshay ee iska soo bixiya, haddii shirkadu Xisaab lacageed yeeltana dee waa in loo celiyaa oo ay dawladu iska bixisaa.”Ayuu yidhi Axmed Muxmed Cumar
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in markii ay madaxweynaha waydiiyeen Cid xidhay ninkaasi uu ku yidhi ma ogi halka badhsaabkuna ku yidhi cid iga saraysa ayaa I amartay waxanu yidhi “Badhsaabka gobolka Saaxil waxa uu nagu yidhi meel iga sareeysa ayaa i amartay in aan xidho markii aanu madaxtooyadii la hadlanay ee madaxweynaha aanu waydiinay xadhiga ninkaasi ayuu nagu yidhi madaxweynuhu ma ogi, marka anagu garan mayno cida amartay xadhigiisa oo dalku madaxweyne ayuu leeyahay ee arintaa bal ha eego, hadaba waxaan leeyahay Cid amarka bixisa madaxweynaha ma ahe waa cid kale, Cid kale ayaa dalkan haysata.”Ayuu yidhi
Axmed Muxmed Cumar waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Gobolka Gabilley uu ka sii daray tan iyo intii Xukumada Siilanyo Qabsatay Dalka waxany yidhi “Baryahan dambe waxa gobolka gabiley ka jiray, Khilaafad badan oo maamul oo ay xukuumadu qayb ka tahay, oo aan la garanaynin maamulkii gobolku meesha uu u socdo iyo meesha uu ka socdo, Ragayagan halkan fadhiyaa waxa aanu nahay ragii u ololeynayey Xisbiga Kulmiye ee haatan dawlada ah, waxaanu u hurnay maalkayagii marka gobolka Gabilaye in Kulmiye uu guulaysto waxa uu ka ahaa Halboowalaha kowaad , anaguna waxaanu ahayn hormodkooda kulmiye u ololeynayey.”Ayuu yidhi
Waxa kale oo uu yidhi “Waa nasiib darro in dawladii Siilanyo ee reer gabiley islahayeen samigiina ayad ka helayaan ay ka waayeen, hadan iyaga oo wax badan tabanayey, hadana in lagula kaco tacadiyo badan oo isdaba joog ah waa nasiib darro.”.Ayuu yidhi
Isaga oo Cadaalada dalka ka jirta ka hadlayna waxa uu yidhi “Madaxweyne waxaanu ku soo dooranay in aad dadka reer Somaliland cadaalad ku dhaqdo, waxaanu hore u diidnay cadaalad darro, kumaanan dooran in cadaalad daradii cadaalad darro badasho, dadka reer gabiley waxa ay codkooda ku siiyeen in dalkan aad cadaalad ku dhaqdo, dadkiina cadaaladii ayaa wali tabayaan.”Ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeyay.
Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Abdeeq Aadan Ismaaciil oo ka mid ah aqoonyahanada Gobolka Gabiley waxanu yidhi “Waxaanu ka xunahay Xadhiga ay kula kacday xukumadu maareeyihii shirkada Total iyo niman mujaahidiin ah oo Berbera danahooda khaas ah u tagay, oo uu ka mid yahay Aadan Maal laguna yidhi Aadan maalow waxaad tahay ninkii la baxay C/laahi Askar, haddii ay Labixidii c/laahi Askar danbi noqotay waa yaab.”Ayuu yidhi Abdeeq
Intaasi waxa uu ku daray ”Xukumadani waxay hore Xadhig ugula kacday Saxaafadii, Aqoonyahanadii, Salaadiintii maantana waxay u soo dhigatay Ganacsatadii, hadaba waxaanu Xukuumada u sheegaynaa in ninkaasi ganacsadaha ah shuruud la’aan lagu soo dayo;”Ayuu yidhi Abdeeq
Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka mid ah Xildhibanada Golaha wakiilada Somaliland ayaa isaguna yidhi “Shirkan jaraa’id waa kii igu horeyay ee aan qabto tan iyo intii Xukumada Siilanyo Xilka la wareegtay, ismaan lahay iyada oo aan sanad gaadhin ayaad shirjaraa’iid qaban doonta, lakiin waxbaa kaliftay, waxa kalifay in gobolkii gabiley iyo ciid ka soo jeeda si gaar ah loo bartilmaamsanayo. Hadaba aniga oo ah Xildhibaankii Gobolka Gabiley ee golaha wakiilada arintaasi waan ka damqaday, dawladii hore gacantaydaas ayaan ku riday, madaxweyne Siilanyo doorasho haddii u ku soo baxayo tii hore ayuu ku soo bixi lahaa, lakiin tan gacantaydaa bidix ayaan ku keenay oo walaahi oo Bilaahi ah.”Ayuu yidhi Xildhibaanku
Waxa kale oo uu yidhi “Madaxweyne waxaan ku sheegayaa in Mareeyaha aan Lacag lagu lahayn, oo waynagii isla garanay.”Ayuu yidhi
Waxa uu yidhi “Hadaba waxaanu u aragnaa in arintaasi tahay aargoosi shakhsi ah ee aanay ahayn arin xisaab iyo nidaam dawladeed midna.”Ayuu yidhi Bashiir Tukaale
Waxa kale oo uu sheegay in dadka reer Gabiley ay ku hungoobeen Codkii ay siiyeen Xukumada Siilanyo waxany yidhi “Dadka reer Gabiley waxaan leeyahay Beeraley ayaynu nahay beer ba’da waynu arki jirnay, ooh ore ayaa loo odhan jiray tacab ba’ay Beer uun ma’aha, marka Codkiini aad kulmiye siiseen Beer ba’aday ka soo qada ayaan idin odhan lahaa, dadkii reer Somaliland oo dhami waxay leeyihiin waanu yaabnaye ma yaabtee.”Ayuu yidhi Bashiir Tukaale.

















Comments
Post new comment