Maamulka Gobalka Bari Oo Ka Codsaday Ganacsatada In Ay Ka Qaybqaaataan Amaanka
Gudoomiyaha-gobolka-Bari-
Boosaaso (RBC) Iyadoo maalintii labaad deeganada Puntland looga dabaal dagaayo munaasabada ciidal adxaa ayaa guumiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Galan waxa uu baaq u diray ganacsatada ku dhaqan gobalka Bari in ay ka qayb galaan xaqiijinta amaanka Gobalka Bari.
Isagoo ka hadlaayay Cabdisamed Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa tilmaamay ganacsatada in ay diirada saaran siddii ganacsiga ay ku jiraan, laakin ay gabeen in ay door ka qaatan sugida amaanka deeganada uu ka arrimiyo maamulka Puntland.
Mr. Galanayaa sheegay haddii la waayo amni in aan la shaqeen karin
dhinaca amniga si looga hortago cid walba oo xasiloonida Puntland khal khalin karta.
“…Waa in aad ogtihiin ganacsiga haddii uusan amni heesan in uusan suuroobeynin, marka waa in aad ka qayb qaadataan xaqiijinta aminiga, cid kasta oo carqaladeeneysana ay ka hortagaan …” ayuu sheegay guddoomiyaha gobolka Bari
Waxa uu ka mid yahay baaqan, baaqyo horey maamulka Gobalka Bari u soo saareen oo loogu Codsanaayay ganacsatada bari in ay ka qayb qaataan dib u dhiska wadankooda.
Si kastaba, waxa lasugaaba waa in la arkaa sida gaancsatada ay u qaataan baaqyda noocan oo kale.
Xafiiska Wararka RBC-Radio Boosaaso
















