Maamul lagu wado in looga dhawaaqo Gobolka Hiiraan iyo Wafdiga Dowladda oo wali kulamo wada

DaabacoSaaxib u dir

Wafdigii isugu jiray Wasiirada iyo Xildhibaanada ee ku sugan Magaalada Beledweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa wada kulamo gaar gaar ah oo ay wali qeybaha bulshada la leeyihiin, iyadoo Wafdiga ku guda jiro dadaaladii u dambeeyay ee Maamul loogu sameynayo Gobolka Hiiraan.
Inkastoo mudadii Wafdigan uu ku sugnaa Magaalada Beledweyn uu la kulmayo caqabado la xiriiray dhanka la tashiyada Maamul u sameynta, ayaa xubnaha Wafdiga bilaabeen inay wada xaajoodyo la galaan Maamulka la magac baxay Dooxada Shabelle.
Wada hadalada maalmihii u dambeeyay ayaa ahaa kuwo labada dhinac isaga soo dhowaanayeen, waxaana wada hadaladan ku lug lahaa Saraakiisha Itoobiya ee ku sugan Beledweyn.
Kulan xalay ay yeesheen Wafdiga Wasiirada iyo Xildhibaanada isugu jira, Saraakiisha Maamulka Dooxada Shabelle ayay ka wada hadleen sidii horay loogu sii ambaqaadi lahaa howl galada si Gobolka Hiiraan deegaanada ku harsan gacanta Al-Shabaab looga saari lahaa.
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in muhiim tahay dadka Gobolka ay meel iska taageen la dagaalanka Shabaab, meeshana laga saaro khilaafka iyo kala aragti duwanaanshaha.
Saaka ayaa lagu wadaa in kulamo la qaataan Wafdiga Odayaasha iyo waxgaradka, si loo sii dhameystiro wada tashiyada la xiriira maamul u sameynta Gobolka Hiiraan oo wali ay muuqdaan inay caqabado ku hor-gudban yihiin.
Ilo wareedyo ku sugan Magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in maalmaha dhow suura gal tahay in lagu dhawaaqo Maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan, inkastoo aan waqti mucayin ah la sheegi karin.
Maamulka Dooxada Shabelle ayaa dhowaan ku gacan seyray dalab ka yimid Wafdigan oo ahaa in Hubka uu ku wareejiyo Dowladda, waxaana wada xaajoodka arrintaas laga lahaa noqdeen mid meel dhexe  la isaga imaan waayay.
31-kii bishii December ee sanadkii hore ayay aheyd markii Al-Shabaab laga saaray magaalada Beledweyn, kadib markii Ciidamada Itoobiya la wareegeen magaalada.