Ma Ogtahay Akristoow?
1-Ma ogtahay Aqristow caasimada Indonesia in ay tahay Jakarta, mise ogtahay in dalkaas uu yahay dalka ugu badan ee ay ku nool yihiin Muslimiinta dunida, dadkiisa waxa ay gaarayaan 9,580,000 oo qof.
2-Ma ogtahay in xuruufta luqada Ingiliishka lagu soo kobo Ararta ah “The quick brown is fox jumping over a lazy dog”, taas oo markii aad Soomaali ku rabto lagu dhaho oraah uu horey u sameeyay Abawaankii Soomaaliyeed allaha unnaxariistee Cabdilaahi Suldaan Timacadde, taas oo ah “Sheekeena, wiilkiisa Curad, gabadhuu qabi jirey, foox la’aan ma heesi karto”.
3-Ma ogtahay Aqristow dalka Thailand ay ra’iisal wasaare ka tahay haweeneey taas oo lagu magacaabo Yingluck Shinawatra, mise otahay in ay walaalo yihiin ra’iisal wasaarihii hore dalka Thailand Takisn Shinawatra.
4-Ma ogtahay in jabhadii koowaad ee Afrikaanka ahayd ee diyaarado lagu weeraraa in ay ahayd jabhadii Daraawiishta, ee uu madaxda ka ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, jabhadan waxa uu Ingiriisku diyaarado ku weeraray 1920kii.
5-Ma ogtahay in idaacadii koowaad ee Afsoomaali ku hadasha ee hawada soo gasha in ay ahayd Radio Hargeisa, waxana ay ahayd sanadkii 1952.mise ogtahay Idaacaddii Labaad ee Soomaaliya laga dhageesto ay ahayd Radio Muqdisho.
5-Ma ogtahay in markii koowaad ee la adeegsado Nukliyeerka lagu dhuftay laba magaalo oo ku yaala dalka Japan kuwaas oo lakala yiraahdo jirey Hiroshiima iyo Nagasaaki,Mise ogtahay in gantalaadaas Japan ay ku qasabtay in uu isdhiibo waxana sidaas ku soo afjarmay dagaalkii labaad ee adduunka.
6-Ma ogtahay in Ururka Qaramada Midoobay lagu dhisay magaalada Sanfransisco oo ku taalla Maraykanka, sanadkii 1945.mise ogtahay in uu hada xoghaye guud uu ka yahay hey’addaas Ban-ki Moon.
7-Ma ogtahay Madaxweynaha Laiberia in la yiraahdo Ellen Johnson-Sirleaf , mise ogtahay in ay tahay haweeneydii ugu horreysay ee Africa Madaxweyne ka noqota.
8-Ma ogtahay Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ay ku yalaan Masaajido Qadiim ah ama xili fog la dhisay, kuwaas waxa ka mid ah:
A-Masjidka Xamar-Weyne (jaamacada) waxaa leysku wada raacsan yahay inuu yahay masjidka ugu fac weyn magaalada Muqdisho , waxaa masjidkaas la dhisay 630 hijriga masjidka wuxuu leeyahay 81 tiir .
B- Masjidka Arbaca-Rukun oo ladhisay bartamihii qarnigii 7aad ee hijriga.
C- Masjidka Faqrudiin oo la dhisay 667 hijriga , masjidkaan wuxuu ku caan baxay oo dabiyadiisa aay leeyihiin naqshada kala duwan oo aad u qurux badan oo ka sameysan ruqaan.
D- Masjidka Axnaafta oo la dhisay qarnigii 7aad ee hijriga , markii gumeysigii Taliyaaniga dalka qabsaday wey dumiyeen masjidkaas waxey ka duldhiseen baar aay u bixiyeen.
———————————
W/Q: MaxamedKaafi Cali Muumin
RBC RADIO
RAXANREEB.COM
















