Louis Michel oo sheegay in faragelinta shisheeye ee lagu hayo Soomaaliya ay kasii dari karto xaaladda jirta
Mudane Louis Michel oo ahaa u qaybsanihii arrimaha dibadda ee ururka Midowga Yurub – haddana ah mudane ka tirsan aqalka baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ka digay faragelinta caalamiga ah ee lagu hayo Soomaaliya, isagoo sheegay inay kasii dari karaan xaaladda hadda jirta.
Mr. Michel oo wareysi siiyay VOA-da isagoo ku sugan dalka Jabuuti ayaa sheegay iny jiraan arrimo badan oo la buunbuuniyo si ay u sahlanaato in faragelin lagu sameeyo Soomaaliya, taasoo ah sababta ka dambeysan deggenaasho la’aanta Soomaaliya.
“Faragelinta shisheeye waa dhib xoogga badan oo ku habsaday Soomaaliya mana doonayo inaan kusii dheeraado ka hadalka arrintan. Waxaa jira arrimo badan oo la buunbuuniyo si loo farageliyo Soomaaliya, waxaana caddeynayaa inay jiraan dareen xun oo la doonayo in lagu dhibaatooyo Soomaaliya,” ayuu yiri Louis Michel.
Mudanuhu wuxuu sheegay inaan loo baahnayn in Al-Shabaab lagu qaldo muslimiinta qun-yar socodka ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in lala shaqeeyo, wuxuu xusay inaysan jirin guul laga gaarayo daganaasho la’aanta Soomaaliya haddii aan sidaas la sameyn.
“Waxaan u maleynayaa in Soomaaliya lagu dajin karo iyadoo la qabto shirweyne ballaaran oo lagu casuumo dadka ay sida rasmiga ah uga go’do talada, si ay uga hadlaan sidii lagu xallin lahaa dhibaatada dalkooda ka jirta,” ayuu yiri Michel.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay inay gacan siiyaan DKMG ah ee Soomaaliya oo muujinaysa niyad wanaagsan inta itaalkeeda ahna wax qabanaysa.
Mar uu ka hadlay burcadeedda ayuu sheegay inay wanaagsan tahay in ciidammo badan la geeyo biyaha Soomaaliya si looga hortago falalka burcadbadeednimo, balse la ogaado in dhinaca kale la horjoogsanayo kalluumeysi ay ku nool yihiin dad badan Soomaaliyeed.
“Uma sharciyeyna burcadbadeedda dhibaatada wadaan, balse waxaa habboon in la ogaado in falalkaas ay saboolnimadu sababayso, sidaa daraadeena loo baahan yahay in la helo qorshe mideysan oo lagu caawinayo kalluumeysatada,” ayuu ku daray hadalkiisa.
Dhanka kale, wuxuu ka hadlay arrimaha Somaliland isagoo yiri: “Haddii aan ka hadlo Somaliland waxaa cad inuu ka jiro maamul iyo nabad, waxaa waajib ah in la tixgeliyo nabadda ka hirgashay Somaliland, waayo waxaa laga yabaa inay tusaale u noqoto Soomaaliya inteeda kale. Waxayna ila tahay in markii intaas la ogaado la helayo Soomaaliya sidii hore ah.”
Source-Hol
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in maamullada ka jira Soomaaliya ay noqdaan tiirarka ay ku taagnaanayso Soomaaliya marka ay dib u dhisanto, isagoo sheegay nabadda Soomaaliya inay ku xiran tahay iyadoo si wadajir ah loo shaqeeyo.
















