Liverpool iyo Man City oo barbaro galay
Fursadii qaaliga aheyd ee uu badbaadiyay ciyaaryahan Joe Hart ayaa keentay in 10 ciyaaryahan oo City ah ay ilaaliyaan rikoorka aan weli looga badin Man City Premier League ka dib markii ay barbaro 1-1 ah kula galeen Liverpool garoonkooda Anfield.
Goolhayaha reer England ayaa badbaadiyay fursad qaali aheyd intii lagu guda jiray seddexdii daqiiqo ee ciyaarta lagu daray, ka dib markii madax uu soo galay Andy Carroll, waxaana kooxdiisa ay haatan shan dhibcood ku heysaa hogaanka horyaalka Premier League.
Vincent Kompany ayaa kubad madax aheyd hogaanka ugu dhiibay City daqiiqadii 31aad ee ciyaarta ka hor inta uusan Joleon Lescott labo daqiiqo ka dib gool iska dhalin ka dib markii Charlie Adam uu kubad uu soo tuuray ay ku dhacday taasoo qiyaantay goolhaye Joe Hart.
Mario Balotelli oo bedel ku soo galay ciyaarta qeybtii danbe ayaa 18 daqiiqo gudahood waxa uu ku qaatay labo jaale taasoo keentay in casaan la siiyo, waxaana uu kooxdiisa ku qasbay inay ku ciyaaraan 10 ciyaaryahan 10kii daqiiqo ee ciyaarta ugu danbeysay.
Ciyaaryahan reer Italy ayaa waxa uu seegi doonaa kulanka Carling Cupka ee Arsenal ay la ciyaari doonaan, waxaana muuqaneysay inay isku dhaceen isaga iyo tababare Robeto Mancini.
Labada kooxood ayaa labadii qeyb ee ciyaarta fursado badan iska qasaariyay, iyadoo Joe Hart iyo Pepe Reina ay sameeyeen dadaal dheeri ah oo kooxahooda guuldarro kaga badbaadiyeen.
Kulankaan ayaa waxaa hareeyay geerida tababarahii xulka Wales Speed, taasoo keentay in Kenny Dalglish uu kooxda ka saaro Craig Bellamy oo ka tiiraanyeeysnaa dhimashada tababarihiisa xulka qaranka.
Liverpool ayaa waxa ay ku jirtaa haatan kaalinta 6aad waxaana ay isku dhibco yihiin Arsenal oo 7aad ku jirta waxaana ay wadaagaan 23 dhibcood.
Source – Laacib
Xafiiska Allsomali24.com
Muqdisho – Somalia
















