Laba Wiil Swedish ah oo meydkooda laga helay meel biyo fariisin ah
Sweden:- Labo wiil oo Iswiidhis ah ayaa meydkooda laga helay meel biyo fariisin ah dalkan Sweden.
Wiilashan ayaa laga waayay deegaankay daganaayeen ee Sigtuna habeenkii Axada ahayd ee ayno soo dhaafnay.
Labada wiil ayaa da’dooda lagu kal sheegay 8 jir iyo 4 jir.
Dilka wiilashan ayaa looga shakisan yahay qof ka mid ah qoyskooda.
Booliska ayaa xaqiijiyay in labadan wiil ay yihiin, kuwii la waaayay habeenkii Axada, islamarkaana ay meydkooda ka soo saareen meel laag ah oo biyuhu maraan oo ku taala xaafada Munkholmen ee deegaanka Sigtuna.
Dhacdan ayaa loo xiray qof ka mid ah qoyska dhalay wiilashan dhintay, kaas oo looga shakisan yahay in uu dilka gaystay.
“Waa arrin masiibo qoys oo aad u fool xun, waxaana wadanaa baaritaan arrintan la xiriira,” sidaasi waxaa yiri Stefan Marcopoulos oo ah askari booliska u qaabilsan qeybta aqbaraadka.
Aabaha wiilashan dhalay ayaa markii uu wayay caruurtiisa habeenkii Axada mar ay tahay xili dambe ayuu markiiba booliska wargaliyay, booliskuna waxa ay ku baadi goobeen Eyada urta wax ku raadsha, Quusayaal iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helicopters.
Xigasho: www.norran.se ama www.svt.se
Hadii kale guji halkan http://norran.se/nyheter/inrikes/article1201795.ece
Madaxa Xafiiska Qaaradda Yurub ee Allsomali24.com
By: Mohamed Ali Abdi (Royter)
karaama@gmail.com
Skellefteå, Sweden

















Comments
Post new comment