Kulanka Finalka Koobka Degmooyinka G/Banaadir ee Yaaqshiid vs Dharkenley

Waxaa galabnimada maanta xilliga Soomaliya ka dhici doonta ciyaartii lawada sugayay ee finalka koobka degmooyinka gobolka Banaadir waxaa isaga horimaan doona labada degmo ee aan kala dhicin Yaaqshiid iyo Dherkenleey oo la filayo inay ciyaar xiiso leh ku soo bandhigaan garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho.
Muqdisho waa kula qeybsan tahay ciyaartaas lakiin bal marka hor aan fiirino sida koox walba ay ku soo gaartay finalka koobkan oo ay ka qeyb qaadanayeen ilaa 16 kooxood.
Yaaqshiid:
Degmada Yaaqshiid kulankeedii ugu horeeyay ee koobkan waxa ay ciyaartay galabnimadii 20ka December waxaana ay kulankoodii ugu horeeyay iska hor yimaadeen degmada Kaaraan.
Ciyaar adag oo dhexmartay labadan kooxood ka dib, degmada Yaaqshiid ayaa labo gool iyo gool waxa ay ku qaarjisay degmada Kaaraan, iyagoo markaas xaqiijistay booskooda wareega 8da.
Kulankii wareega 8da waxa ay  la ciyaareen degmada Waaberi, waxaana uu ahaa kulan xiiso leh madaama labada degmo ay ahaayeen kuwa aad u fiican.
Yaaqshiid ayaa 3-1 waxa ay kaga talaabsatay degmada Waaberi, waxaana ay u soo baxeen semi-finalka, iyagoo la ciyaaray Wadajir.
Kulankii semi-finalka oo xiiso lahaa ayaa 90kii daqiiqo lagu kala baxay barbaro, waxaana rigoore ku soo baxday degmada Yaaqshiid oo haatan fadhiso finalka koobka degmooyinka gobolka Banaadir.
Dharkenley:
Degmada Dherkenleey waxa ay ciyaartay kulankii ugu horeeyay ee koobkan lagu furay 18kii bishaan, waxaana wareega 16ka oo uu koobkan ka bilaabanayay ay isku soo aadeen degmada Dayniile.
Dherkenleey ayaa halkaasi wacdarro ka dhigtay oo 3-0 kaga talaabsatay kooxda degmada Dayniile, waxaana ay maalintaasi xajisteen booskooda wareega 8da.
Maalintii jimcaha ayay ciyaareen kulankoodii labaad ee wareega 8da waxaana ay isku soo aadeen degmada Wardhiigleey, waxaana kulankaasi uu ahaa mid xiiso leh iyadoo 90kii daqiiqo lagu kala baxay barbaro gool iyo gool ah, rigoorayaal la dhigayna waxa ku badisay Dherkenleey oo semi-finalka u soo gudubtay.
Dherkenleey semi-finalka waxa ay la ciyaartay degmada Hodan, waxaana ay 1-0 ku dardareen Hodan iyagoo haatan isa soo dhigay finalka koobka degmooyinka gobolka Banaadir.
Hadaba Yaaqshiid iyo Dherkenleey maanta hadii eebe idmo midkood ayaa loo caleemo saari doonaa horyaalka degmooyinka gobolka Banaadir.
Tababaraha Yaaqshiid Cumar Fareey ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in kooxdiisa loo balanqaaday hadii ay ku guuleystaan koobkaan in ciyaaro saaxiibtinimo loogu wadi doono dalka Jabuuti.
Dhigiisa Dherkenleey ayaa isna sheegay in kooxdiisa ay balanqaadyo ka heystaan maamulka islamarkaana ay dhiirogelin ka helayaan, lakiin ma uusan carabaabin.
Kulankii kaalinta 3aad oo la filayay inay wada ciyaaraan Hodan iyo Wadajir waxa qabanqaabiyayaasha tartankan ay kaalinta 3aad iyadoo tartan uusan jirin ay gudoonsiiyeen degmada Wadajir oo taageerayaasheeda uu dhibaato ka soo gaaray shil gaari.
Haddaba yaad u saadaalineysaa inuu koobkaan ku guuleysan doono? Fekerkaaga ka dhiibo?
Source – laacib
Xafiiska Allsomali24.com
Muqdisho – Somalia