Kulan Looga hadlayo Amaanka Gobolka Gedo iyo Xuduudaha Soomaaliya oo kafurmay Gedo.
Kulankaani Balaaran oo ay kasoo qeeb galeen Masuuliyiin kasocotay Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo Saraakiil Kasocatay Dowlada Ithoobiya ayaa waxaa looga Hadlayay Xaalada Amaan ee Gobolka Gedo iyo Xuduudaha Soomaaliya.
Max’ud Sayid Aadan oo kamid ah Mudanayaasha Barlamaanka ayaa Saxaafada uga warbixiyay Kulankii shalay Kadhacay Magaalada Dhooblay ee Gobolka Gedo isagoo sheegay in kulankaasi looga Hadlayay amaanka Gobolka Gedo iyo Xuduudaha Soomaaliya.
Max’ud Sayid Aadan ayaa intaa kudaray In kulankaani ay soo qabanqaabiyeen Xidhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay kasoo qeeb galeen Saraakiil kasocota Ciidamada Ithiopia Mudanayaal katirsan Baarlamaanka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo.
Xildhibaanka oo hadalkiisa Siiwata ayaa sheegay in shirkaani uu socob doono 3exda Maalmood ee Soosocota, iyadoo lagu lafa guri doono Sisii ay nabada u qeesan lahaayeen Dadka Soomaalida ah ee Daga Xuduuda Soomaaliya.
Kulankaani ayaa Xili ay Dood kataagantaya Soogalitaanka Ciidamada Kenya ee Xuuuda Soomaaliya, Iyadoo aan la ogeen Waxa kasoo bixidoona Shirkaasi.
Xafiiska Warqabadka
Heegantv.com
Cadaado
Jeylani Xasen Cusman
Jiilaani2011@hotmail.com
















