Kororsi-aqooneed – Anthropology – Archiology
Astaanta ugu muhiimsan Antraboolajiga cilmiga ayaa ah (formation of law) xeerar samayn iyo xeerar tijaabin (test of law) si loo derso loona qeexo, loona saadaaliyo xeerarka guud ee xukuma habab dhaqaneedyada (cultural process) si loo kobciyo hadafka arkijoolajiga oo ah:
- Tilmaamid
- Qeexid iyo
- Odorosid farqiga u dhexeeya isku-ekaanshaha iyadoo muhiimadda la siinayo xeerar samaynta iyo tijaabinta, taasoo looga jeedo in Antraboolajigu yahay maaddo cilmiyeed oo leh sal u dhigma culuunta kale.
Aad ayey u adagtahay in dadku rumaysto in la qeexi karo dhismaha iyo dhaqanka Aadanaha, qaar ka mid ah cilmi baadhistayaashaasi way ka soo horjeedaan fikradaasi arimaha qaarkood, laakiin sababo ayey keeneysaa in badi cilmi-baadhidyahanadu rumeysnaan karaan in dhaqanka Aadanuhu yahay mid habaysan oo leh majare uu maro, balse aanu ahayn isdhexyaac lagu tilmaamo majarelaawe.
3000 oo sano ayaa Aadanuhu isticmaalayey (stone tools) qalab laga sameeyey dhagax oo aad u dambeeyey, mudona aaney ka dhicin in wax la beerto iyo in wax la dhaqdo midna, tusaale ahaan xilligaasi waxa la ahaa dabato ama ugaadhsato iyo qadhaabsi (hunting & gathering). Muddo ku siman 10,000 BC. Ayaa waxaa bilaabantey waxbeerasho iyo waxdhaqasho, waxa bilaabmey qaab bulsheed iyo ilbaxnimo isku-mida oo aan isogayn, islamarkaana yeelatey hanaqaadnimo baaxad farsamo wadata iyo farshaxan aan kala-fogeyn, sidaasdaraadeed waxa jira xeerar xukumaya dhaqanada, iyo isbedelada la xidhiidha iyo horumarkoodaba (cultures & related changes & development) taasi darteed waa suurtogal in la sameeyo xeerar guud oo dhaqan. Qaar ka mid ah aqoonyahanadu waxay qabaan inaan la dhisi karin taariikhda sooyaalka, maadaama raadadka Arkijoolajiyeed ay yihiin kuwo filiqsan oo ka soo jeeda dhaqano dabar go`ay. (extinct cultures) Albert 1973 wuxu tilmaamey, ”Dabeecada Aadanha oo aan ahayn mid la qiyaasi karo oo wejiyo badan leh, islamarkana macluumaadka cilmiga Antroboolajiga oo macno badan awgeed, waa adag tahay in la dhiso taariikhda iyo sooyaalka, sidaasdaraadeed waa in lagu koobsadaa xeerar guud iyo hab-dhaqaneedyo. Culumada Anthropolojigu waxay isku-raaceen dhaqanka Aadanuhu inuu ka bilowdey Qaarada Afrika, islamarkaana ka koobnaa kooxyo bulsheedyo yar-yar oo ugaadhsi iyo qadhaabsi ku noolaa ilaa uu soo gaadhey dhaqano dhafan (complex culture) oo ku salaysan warshado iyo xadaarado aad u qoto fog.
Cilmibaadhisyahnadaasi waxay arintan ka qabeen afkaar kala-gedisan sidaan soo sheegney qaar waxay rumaysanaayeen raadinta xeerar guud ee dhaqanada sooyaalka, kuwo kalena waxay rumaysan yihiin in helitaanka xeerarkaasi guud ay adag yihiin, taas darteedna waxay qabaan in la raaco mabaadiida guud (universal principles) ee uunka ee ku waajahan dhammaan noolaha oo lagu xalin karo, wax kastoo noole ah, waxay kaloo xeerar u sameeyeen noolaha iyo ma noolaha (living & nonliving universal law) iyo isa-saameyntooda. Fikradan waxa hormuud ka ahaa Kent Flannery waxaana loo yaqaaney aragtida nidaamyada (system of theory approach).
Sune Jonson wuxu ahaa nin Anthropolojiste ah oo Soomaaliya yimi taariikhdu marakay ahayd 28 march ilaa 14 may 1982. Wuxu yidhi, ”todobaadkii iigu horeeyey een Muqdisho joogay, waxaan isku-taxalujiyey oo waqtigeyga u siiyey sidii aan u ogaan lahaa ulana xidhiidhi laha counter parts-kaygii ee ”Somali Academy of Science” ee SOMAC, waxaan yeeshay axsaab badan oo ii saamaxay gacansiinta muraadkii aan lahaa, wuxu intaasi ku sii darey, waxaan 4 march aan booqasho ku tegey xaafadaha yar-yar ee Jasira, waxa i hogaaminayey Sheikh Jamac Ciise oo ah nin aan aqoon u lahayn cilmiga Anthropolojiga balse ahaa nin isagu wax is baraey (self taught) waa sidi uu hadlaka u yidhiye, Jasira waxay ku taalaa xeebta 20 km waxa ka xigtaa Koonfurta Muqdisho, waxa halkaasi ka dhisan xaafado gaboobey oo laga helayo qabuurihii qarniyadii 9aad iyo 10aad”, waana meesha gaarka ah ee soo jiidatey ninkan Anthropologista ahi in uu wax ka ogaado xilligaasi daadkaasi noolaa waxay ku sugnaayeen iyo noloshoodii taariikheed ee xilligaasi ku gedaaneyd.
Hargeysa – Sheekh – Ceerigaabo
oo duulimaadkeygu ku waajahnaa Hargeysa si aan ugu biiro sahamis uu hogaaminayey Steven A. Brandt oo uu horkacayey khabiito jiyoolajiin ah, waqtigaasina sahamisku wuxu ku xadidnaa bil kaasoo warka uu ka helay Mr. Brandt oo ku takhasusey Stone age ee Bariga Afrika oo muddo hore ku sameeyay baadhitaano cilmiyeed Itoobiya iyo Somaliland. Waxaan anigu laftaydu jeclaystey inaan la xidhiidho Mr. Brandt oo qaabilo aqoontiisa, wuuna ii ogalaadey inaan ku biiro, ayuu yidhi Mr. Jonson. Waxa uu intaa sii raaciyey Antropolojistaahasi Jonson inuu ka xasuusto asxaabtii uu halkaasi ka bartey Xusseen Suleyman Axmed oo joogay madxafkii hore ee Koonfurta Soomaliya ee ku yaalay Muqdisho, waxaanu ahaa ayuu yidhi, kalkaaliyihii Chittick ee ku samaynayey sahamin baadhitan Xamar-weyne oo ku taala Muqdisho 1980. In taasi ka dib ma helin a
Sun Johnson wuxu yidhi, waxaan 7 March tikidh duulimaad ka helay SOMAC nigu baadhaanadii goobihii sahaminta wixii ka soo baxay, inkastoo rajiimkii Dawladdii Siyaad Barre aaney daacad ka ahayn sahaminta khayraadka dabiiciga ee ku yaala goobaha istiraajiga Somaliland. Waxaanan ka codsanaya aqoonyahanada Arkiyoolajiyeed ee Somaliland iney noo soo tebiyaan sooyaalka taariikeed iyo dhaqanadii hore ee laga helay Somaliland, gaarahaana Laasgeel.
Mohamud Hussein (qooley)
Oodweynenews.com/ Helsinki Office
















