Kooxda Arsenal Oo Kusoo Fool Leh Nigeria
Gedo Online Sports – GMN - Kooxda Arsenal ayaa diyaarineyso safar ay ku tagi doonto dalka Nigeria marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan bartamaha sanadkaan 2012, safarkaasi oo noqon doona kii ugu horeeyey ee ay ku timaado Africa.
Saraakiil ka tirsan kooxdan ka dhisan Bariga London ayaa bishi lasoo dhaafay booqday dalka Nigeria iyaga oo halkasi kula soo kulmay saraakiisha xiriirka kubada cakta dalkaasi oo ay kala xaajoodeen safarka Arsenal ay ku tagi doono bisha July.
Jimcihi lasoo dhaafay abaabulayaasha kulankaan ee DanJan Sports iyo saraakiil ka socotay Arsenal ayaa ku kulmay garoonka Emirates Stadium si ay usoo gaba gabeeyaan qorshihi ugu danbeeyey ee socdaalka.
“Wax walba waxay u socdaan sidi loogu tala galay, Nigeria waanu gaari doonaa, waxaanu yeelanay kulamo guul ku dhamaaday,” ayuu yiri Agaasimaha Waaxda Suuq geynta kooxda Arsenal Angus Kinnear oo la hadlay BBC Sport.
Arsenal ayaa sidoo kale joojisay kulanki ay sanad walba ku qaban jirtay garoonkeeda Emirates Stadium, kaasi oo ay ka qeybgali jireen kooxaha ku mideysan shirkada duulimaadka ee Fly Emirates sababo la xiriira tartanka ciyaaraha Olombikada Aduunka ee 2012 London Olympics.
Sababta ay u dooratay in ay Africa u timaadana waxaa lagu sheegay sidi ay uga farxin laheyd taageerayaasha faraha badan ee ay ku leedahay Qaarada Africa.
David Omigie oo ka tirsan gudi ka shaqeeya Isboortiga ee DanJan Sports, ayaa sheegay in Arsenal ay ku leedahay taageerayaal aan caadi aheyn dalka Nigeria oo ah dalka ugu dadka badan Africa.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com
















