Kooxaha M.xarbi iyo Walaalaha warshada oo isugu soo harey finalka koobkii garoonka xararyaale+ sawiro

Garoonka kubadda cagta ee Ex-manashibiyo xaafadda xararyaalle degmada Wardhiigleey waxaa mudooyinkii ugu danbeeyey ka socdey tartan kubadda cagta oo Isdhexgalka nabadda Muqdisho loogu magac darey kaasi oo ay soo agaasimeen Dhalinyarada xaafadaasi oo gacan ka helaya Maamualka degmada iyo X.K.Cagta.
Tartankaasi oo ay ka qeyb galeen ilaa 25-kooxood oo dhamaan degmooyinka gobolka banaadir ka kala socdey ayaa waxaa usoo daawasho tagayey galab kasta dadweyne aad i tiro badan oo xaafadaha muqdisho ka tegeyey, waxaana iminka isgu soo hartay labo kooxood ee kala ah, Walaalaha Warshadda vs Maxamuud Xarbi oo ka soo haray dhamaan kooxihii ciyaarayey.

Kulankii Semi finalka ee dhacay shalay waxaa ku dagaalamay Maxamuud Xarbi vs Xamar Bile kulankaasi oo barbaro 0-0 ku soo dhamaadey, laakin rigoorayaal 5-3 waxaa kusoo baxay M.Xarbi oo kama danbeysta Finlka la ciyaari doonta Wallaalaha Warshadda.
Masuuliyiin ka tirsan X.S.K.C ayaa galab kasta ka mid ahaa dadweynihii daawashada ciyaarahaasi la socdey, waxaana sidoo kale la filayaa in ciyaarta finalka ee jimcaha halkaasi ka dhici doonta inay ka qeybgeli doonaaan masuuliyiinta GOS,xiriirada iyo Madax kale oo degmada iyo Gobolka ka tirsan.
 
C/xafiid C/samad Zaciimka
zaciimka02@hotmail.com