Kooxaha burcad badeeda ee Soomaaliya oo maanta ka dhawaajiyay hadal layaab leh
Kooxaha burcad badeeda ee Soomaaliya oo ka qayla-siiyay wadamada caalamka oo dhan, ayaa waxay shaaca ka qaadeen inay gacanta ku hayaan haweyney u dhalatay dalka Ingiriiska.
Kooxaha burcad badeeda ee Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in haweyneyda u dhalatay dalka Kenya ay iyagu gacantoodu ku jirto, isla-markaana waxay sheegeen in caafimaadkeedu uu wanaagsan yahay, inkastoo ay sheegeen in xanuuno yar-yar uu haayo.
Afhayeen u hadlay kooxaha burcad badeeda ee Soomaalida oo lagu magacaabo Saciid Socdaal, ayaa wuxuu sheegay in haweyneyda u dhalatay dalka Ingiriiska ee lagu magacaabo Judith Tebbutt, ay ka soo iibsadeen kooxaha argagaxisada ee caalamka.
Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay sababaha ay u soo iibsadeen inay tahay, inay ka hellaan lacago faa’iido ah, isagoo sheegay haddii lacagahaasi la-siiyo inay sii deyn doonaan Judith Tebbutt.
Dadka daneynaaya in dib loo-sii daayo Judith Tebbutt, ayaa wuxuu sheegay inay xiriiro la-soo sameeyeen kooxaha burcad badeeda ee Soomaalida, isagoo shaaca ka qaaday inay iyagu gacanta ku hayaan.
Hadalka ka soo yeeray burcad badeeda ee Soomaalida, ee ku aadan in Judith Tebbutt ay ka soo iibsadeen kooxaha argagaxisada, ayaa wuxuu layaab xoog leh uu ku noqday shacabka Soomaaliyeed, waxayna cambaareeyeen in tallaabadaan wax laga qabto.

















Comments
Post new comment