Koox Hubaysan oo Weerar Bambaano ku qaaday Idaacada Radio Gaalkacyo.
Koox hubaysan ayaa caawa Fiidnimadii weerar Bambaano ah ku qaaday Idaacada Sadexaad ee ugu balaaran idaacadaha kajira dalka Soomaaliya islamarkaasna ah Idaacadii ugu horaysay oo laga taago Puntland abid, Waxaana Weerarkani uu ahaa mid kooban oo aanan khasaaro gaarsiin Idaacada Gaalkacyo.
Idaacada ayaa Bambaano nooca gacanta laga tuuro ah looga soo tuuro qaybta Xayndaabka Idaacada taasoo kasoo gashay Qaybta Koonfureed ee Xayndaabka halkaasoo ku beegnayd qolka Warqabadka iyo Xafiisyada kaladuwan ee Idaacada Gaalkacyo, iyadoo uu Weerarkaas lala eegtay Xili ay Idaacadu si qumaati ah hawada ugu jirtay islamarkaasna ay socotay shaqadii Baahinta fiidnimo ee Idaacada Xiligaas oo ay shaqada kujireen qaarkamid ah Wariyeyaasha idaacada.
Maamulka Idaacada Radio Gaalkacyo ayaa A xaqiijiyey in weerarkaasi uusan wax khasaaro ah u gaysan shaqaalihii Idaacada kujiray iyo qalabkii ay idaacadu ku shaqaynaysay, Waxaana Saraakiisha Idaacadu ay sheegeen in uusan jirin dhib uu weerarkaas keenay marka laga reebo Mid kamid ah Muraayadaha xafiiska Agaasinka Idaacada oo Qaraxa dartiis daatay mana jirto dhibaato kale oo uu weerarkaasi keenay.
Qaraxa idaacada oo ahaa mid kooban ayaa markii uu dhacay kadib waxaa goobta tagtay xubno badan oo kamid ah madaxda dawlada Puntland kuwaasoo uu kamid ahaa Taliyaha guud ee ciidamada Madaxtooyada Puntland Gol.Cumar Cabdullaahi Maxamed Faroole iyo Saraakiil kale iyadoona ay goobta tageen dadweyne aad u badan, Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo bilo kooban gudaheed lagu weeraro midkamid ah Idaacadaha Gaalkacyo ka howlgala, Waxaana Xarunta Warbaahinta da’da weyn ee Radio Gaalkacyo qaraxan lala eegtay uu noqonayaa kii labaad mudo labo sano kayar iyadoo sanadkii hore bilowgiisii lagu weeraray Labo Bumbo oo nooca gacanta laga tuuro ah, Sidoo kalena Waxaa bartamihii bishii Sagaalaad ee sanadkan iskuday dil ka badbaaday Wariye Xuriyo Cabdulqaadir Sheekh Cali oo kamid ah Saxafiyiinta ka howlgasha Idaacada Gaalkacyo Walow uu dhaawac kasoo gaaray Weerarkaas ayna dhawaan kasoo kabsatay.
















