Kipaki: Al-Shabaab caqabad bay ku tahay Amniga iyo dhaqaalaha Kenya + Sawirro
Nairobi:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Kenya Mwai Kipaki oo ka hadlayey Munaasabadda maalinta Jamhuuri day oo ah maalinta Kenya ay qaadatay xurnimadeeda taasoo shalay ku beegnayd oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee NYanya oo ku yaalla bartamaha magaalada Nairobi ayaa waxa uu si weyn ugu hadlay dagaalka ay kula jiraan xarrakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya.
Kipaki ayaa waxa uu xusay in kooxda Al-Shabaab aysan kaliya Qatar ku ahayn ammaank,a islamarkaana ay caqabad ku noqdayn dhaqaalaha wadanka Kenya, isagoona sheegay in aysan aheyn arrintaasi mid aan la oggollaan doonin, wuxuuna sheegay ugu dambeyntii Khudabdiisa ku sheegay in dadka reer Kenya uu ugu mahadcelinayo sida ay u qaataan oo ay u taageereen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Kenya Mwai Kipaki ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay Mushkiladaha ka jira gudaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in jiilal farabadan ay mustaqbalkoodii ku waayeen dagaallada iyo colaadaha ka jiray dalka 20 kii sano ee la soo dhaafay.
Si kastaba ha’ahaatee, Kipaki oo hadalkaan ka sheegay garoonka NYanya Stadium ee magaalada Nairobi ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti ciidamo tira badan oo Kenyaan ah ay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya, waxayna dagaallo kula jiraan Shabaabka ku sugan deegaannada iyo gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.
Xafiiska Allsomali24.com
allsomali24@yahoo.com
Nairobi – Kenya
















