Kikwite:-hala ciribtiro Shabaab.

Austaria-GMN-Madaxweynaha dalka Tanzania ayaa shaaca ka qaaday inuu taageersan yahay howlgalka Kenya ay ka wado gudaha soomaaliya gaar ahaan gobolada jubbooyinka.
Kikwita ayaa sheegay in dowladaha caalamka ay u so jeestaan sidii loo crib tiri lahaa kooxda xagjirka ah ee shabaab ee dulaanka ku haya dalka kenya.
Madaxweynaha Tanzania ayaa sheegay in kenya ay kala qeyb qaadan doonaan dagaalka ay kula jirto shabaab oo uu sheegay in hadii aan waxba laga qaban ay ku sii fidi doonaan dhibaatoyinka guud ahaan wadamada Afrika
Kenya xaq ayey u leedahay inay difaacato dalkeeda ayuu sheegay Kikwite oo ka qeyb galaya kulana Ustariya ugu soconaya wamada barwaaqa sooranka
Madaxweynaha Tanzania ayaa sidoo kale waxa uu xusay in dalkiisa wax waliba oo kenya ugu baahato diyaar la yahay mar hadii lala dagaalamayo kooxo argagaxiso ah .
Hadalka Madaxweynaha Tanzania ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo dowlada kenya ay taageero beesha caalamka ugu raadsanayso la dagaalanka kooxda shabaab.
Ciidamo badan oo kenya ah ayaa hada ku sugan ciida soomaaliya gaar ahaan gobolada jubooyinka kuwaas oo wada howlgalo lagula dagaalamo ururka shabaab.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com