Kenya “Anaga Ma Duqeynin Baardheere”
Bardhere (GMN ) - Dowladda Kenya ayaa caawa iska fogeysay ku luglahaanshaha duqeymihii maanta markale lala beegsaday magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Afhayeenka Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya Emmanual Chirchir, ayaa cadeeyey inaysan iyagu ka dambeyn duqeymihii galabta isagoo xusay inuusan waxba kala socon oo uu warbaahinta uun ka maqlay weerarka Baardheere.
“Waxba kalama socon duqeymaha maanta loo-geystay magaaladda Baardheere, dabcan haddii aan waxba ka fogeyn waxay taasi idin muujineysaa inaysan Kenya galabta wax duqeymo ah ka geysan magaaladda Baardheere” ayuu yiri Emmanuel Chirchir, isagoo caawa la-hadlaayay Voa-da.
Duqeymihii maanta lagu garaacay magaaladda Baardheere ayaa waxaa ku dhaawacmay hal wiil oo arday ahaa.
Al Shabaab, ayaa iyana hadal kooban ka tiri duqeyntii maanta ee Baardheere waxaana ay ku eedeysay Dowladda Kenya.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com
















