KAMARAD W/Q-Ceelaabe
waari mayside war ha kaa hadho haddii ay dad badan u tahay.dad badan oo kale ayey u tahay waari mayside sawir ha kaa hadho.wax badan ayaa iska masaxa ama ay ilawdaa maskaxda aadamigu.dadka nool iyo wixii aan nooleynba in badan oo ka mid ah wey iska tirtirtaa.dadku wey kala xasuus fiican yihiin.qaar badan dadka wejigooda ayey hore u qabtaa,halka dadka qaarna ay magacyada hore u qeybaan.immisa qof ayaa ku yidhi waan ku garanayaa oo aad ku tidhi isku key sheeg.immisa qof ayaad adigu ku tidhi miyaanad hebel aheyn oo adigii ku soo saari waayey.waxa nolosheena casriga ah ku soo biiray oo maskaxda dadku ay sameysey qalabo badan oo dadka kala qeyb qaata ama loo adeegsado heynta iyo xafidida wax dhacay maqal iyo muuqaal intaba.dad badan waxa ay heystaan sawiro iyo albano ay ugu jiraan ama uga buuxaan macaariif,qaraabo iyo saaxiibo badan oo ay hadda kala tageen waxa sawirkaasi siiyey kamarad lagu dhuftay qofka.waxa laga yaaba in dadka qaar sawir kasta oo ay cid kula jiraanba ay heystaan.hebelo badan marka sawirkooda lagu tuso ama lagu xasuusiyo xaflad aad wada joogteen ama aad TV-dyow ka daawato ayaad garataa ama xasuusataa.miyaanu hebel aheyn.dadkeenu berigii hore marka ay xafladaha ama aroosyada tagayaan ama meel dad badani ay isugu yimadaan sida xafladaha qalin jebinta waxa ay u qaadan jireen kamarad.waa uruurintii xasuusta waa iyada oo qofkasta laga reebaayo sawir iyo xasuus,waayo waayo.waxa jirtay wakhti kamarada la kala qaadan jiray ama dadka leh ee iibsaday ama dibadaha kala yimi ay iskaba yaraayeen.
wixii tagay maanta muuqaalo sawiran ama cod duuban ayaa lagu hayaa.markaad aragto wuxu kuula muuqanaya wax hadda dhacay.waxaad ku arooreysaa oo aad xasuusaneysaa goobtii iyo markii aad sawirkaasi iska qaadeen.wakhtiga markasta la jooga wuxu u baahdaa wixii tagay.wuxuu soo celiya ama ina xasuusiyaa wakhtiga hadda lagu jiraa wixii la soo dhaafay.wixii tagay haddii aan waxba lag keydin lama xasuusto.hase ahaate haddii wax laga hayo qiimo ayaa loo yeelaa.kamaradu waxay ka qeyb qaadatay sameynta sawiro iyo muuqaalo xasuus reeba.waxa maanta la inoo diyaarinayaa ama la inoo duubaya ama la sawirayaa muuqaalo iyo dhacdooyin taariikhda geli doona,kuwaasi oo mustaqbalka marka la gaadho dib loo daawan doono.waa hab lagu gaadhsiiyo dad aan joogin wax dhacay iyo sida ay u eekaayeen dad hore.sawir i soo dir.caruurta iyo xaaska sawir iga soo dir.kamarad iigu soo dhib ayaa beri socon jirtay oo aheyd hadyad.heynta ama keydinta xasuusta iyo muuqaalada dadku wey ku kala duwan yihiin qaar badan oo ka mid ah ayaana aad u xiiseeya ama uruuriya.aniga lafteydan kula hadlaaya waxa jirta in waalidkey aan ka dhaxley sawiro aniga oo yar la iga qaaday oo aan aad u yaraa.markaan arko wakhtigaasi iyo hadda sidaan aheyna waxaan dareemaa isbedel hilow ama buseelid oo kale ah.kulamo badan ama xaflado badan oo soo dhacay oo aan la duubin ama aan sawiro laga gelin waxa laga yaaba in dib looga qoomamoodo.wakhtiga dhalinyarta lagu jirana waxa aad loo jecel yahay uruurinta sawirada iyo gelida sawira .markaasaad arkeysaa dhalinyar qoorta kuwada sidata ama ku raran karamad miidhan oo kolba laba qof is toosiya ku leh oo sawireysa.
maanta haddaad eegto isticmaalka karamada ,iibsigeeda,hadal heynteeda,ama heysashadeedu waxa ay noqotay mid ka yar kana hooseysa halkii ay beri taagnaan jirtay.waxa xaqiiqo ah in dadkii sawirka geli jiray ayna weli meesha ka bixin,in xafladihii ayna meesha ka bixin,in aroos yadii ayna meesha ka bixin.haddana cidda kamarad sidata ama leh wey yar tahay.waxaad arkeysaa 30 in 2 ama 1 ka mid ahi uu sito ama uu soo qaato ama uu leeyahay kamarad marka la isugu yimaado xaflad.waa wax aad loo raadiyo marka loo baahdo hase ahaate aan la isku hawlin in la iibsado.Kamarada weyn ee sawirlaha soo dhex taala bal eeg,weli ma hor tagtay,weli sawir ma iska qaaday.ma kur ayuu ahaa mise dhameystir.maalin oo dhan dad ayaa sawiro gelid ku jira ama u diyaar garoobaya oo leh xasuus ayaan iska reebayaa.sawirlayaal badan inkasta oo ayna caasimada ka furneyn haddan dhawrka jira waxa loogu jiraa saf.dadka qaar ayaa inta ay sawiro galaan kaga dhex yimaada oo is dhiga sawirlaha dhexdiisa ama muraayada isa soo geliya tolow maxay ugu jeedaan.KAMARADA MOBILE-KA ku rakiban ayaa maanta wax badan meesha ka saartay.si fiican wax u sawireysa.video camera xitaa mobile-kii ayaa leh.sawiro badan dadku halkaasi ayey ku qaataan ama ay isaga qaadaan.waxaana marka danbe lagaga shubaa computerka waana hab fudud.
shaqooyinka ayaa loo adeegsadaa kamarada gaar ahaan shaqooyinka NGO’s haddaad eegto waxaad arki uun dhalinyar kamarado lagu raray oo meeshii la booqdo ama wax la siiyaba sawir ka qaadeysa dadki oo alaabtii loo qeybinaayo.tariikh badan oo wadanku leeyahay waxa ay inagu soo gaadhay sawiro laga hayo dadkii sameeyey ama video camera laga duubay oo maqal iyo muuqaal isugu jira.immisa sawir ayaad gashay maalintii 18 may-ga adiga oo calanka somaliland huwan,ma mobile-ka ayaad isku sawireyseen mise kamarad ayaad sidateen.wa taasi marka say sanadka danbe 18 21 year gaadho waad la yaabi (reminiscent).
markaad gasho dukaamada waa weyn ee caasimada wax laga iibsado gaar ahaan kuwo qalabka electronics ah haya waxaad ugu tegi qeyb loogu talo galay iibinta kamaradaha inkasta oo ayna sidasi u badneyn haddana muraayada ayaad ka arki kareysaa noocyada soo dhex yaala.iibkoodu in aanu badneyn ayaan rajeynayaa ama socodkooduba.waana kuwo ka duwan kuwii berigii hore,ka qaad culus ka sameys duwan etc.qaar baa ah 250$ ama 300 inta u dhaxeysa lagu iibinayaa kamaradaha qaarkood.
isku dhawaada,is toosi,fadhiiso adigu.adigu istaag.miyaad isku dhageysaan.caruurta dhabta ku qabo.ha qoslin.isoo eeg.hoos ha eegin.madaxa kor u qaad.tayga xidho.shaadhka hagaaji.dhexda miyaad iska xidhi.bootarka is mari.muraayada isku eeg.diyaar.WAC.wuu so baxayba .wuu naga xumaaday.mid aan waxba garaneyn ayaa isawirey.waan ku noqonayaa.Maxaa dad sawir u diyaar ah bishan marka ay dhammaato,maxaa sawir ciida la geli doonaa. maxaa sawirlayaashu ay shaqeysan doonaan.
sawirka badan.ama aan daruuriga aheyn.isa sawirada iyo sawirada gacanta ee muuqaal qof nool sameyntaba diinta islaamku wax weyn ayey ka tidhi ama ka qabtaa arintaasi runtii waan ogahay hase ahaate adiguna baadho diintaadana baro.ogowna oo xasuuso Kamarad iyo shaqada ay qabato.is weydiina dad badan oo bulshada ka mid ah waa la jecel yahay in la arko,waxa la jecel yahay in sawir laga heysto.marka ay ka soo hor baxaan waad ku faraxdaa.waxad jeclaan laheyd in aad sawir la gasho.qaarkood xafladaha waa la isku dhejiyaa.dadka qaarna cidiba ma taqaano sawirna lagama heysto.ragga iyo dumarka midkee kamarada jecel ama aad isku sawira.ogow dad badan waxa ay bil kasta ku mashquulsan yihiin sidii ay Facebook-ga u soo dhigan lahayeen sawiro dadka ka yaabiya.waxana kaga baxa kharash badan is diyaarintaasi.dadka qaar waxa ay Facebookga soo geliyaan sawiro aan xitaa loo fasixin oo ay dad kale kula jiraan.ama waxa aad arkeysaa saaxiib beri hore sawir aad wada gasheen kaa haya oo ku soo dhigaaya markaasaad is kala garan waayeysaa xasuus.
Abdifataah Mohamed Ahmed
ceelaabe_10@hotmail.com
Share

















Comments
Post new comment