J.Mata oo daafacay Gool la aanta Torres.

10 Oct 2011-  Isagoo u muuqda inuu difaacaayo saxiibkiisa kooxda Chlesea kana wada dirsanyihiin xulka qaranka isbaanishka ayu mata shaaciyay in Torres uu yahay weeraryahan qibrad badan haatana uusan qabin wax caqabad ah.
Mata ayaa sheegay in Torres kulankastaa uu uxiisa qabo inuu goolal u dhaliyo kooxdiisa iyo qarankaba hase ahaatee nasiibku uu diidanyahay.
“waxaan la noolayay Torres,waxa uu jecelyahay inuu gool dhaliyo nasiibka oo diidan ka sogoy, waxa uu soo bandhigaa ciyaar aad u qurxoon,”
“waxaan aaminsanahay in Torres uu yahay weeraryahan sare,dhawaana uu ka bixi doono abaarta dhanka Gool la aanta ah”
Torres oo ka mid ah weeraryahanada loogu jecelyahay kubada cagta ayaa iminka waxa uu la ceeshoonyahay Gool la aan ay ku eedayso saxaafada Yurub.
Mohamud hassan idaajaa
Idaajaa4@gmail.com
Idaajaa_11@hotmail.com