Isimo Reer Sanaag ah oo Gaadhay Mudug
//
//
// ]]>
Gaalkacayo:- Isimo ka Tirsan Duubabka Gobolka Sanaag ayaa Gaadhay G.Mudug gaar ahaan degmada Gaalkacayo, socdaalkooda ayaa lagu Sifeeyay inay hoos imanayso waa waanta laga dhex wado Maamulka Puntland iyo Malayshiyaad Hubaysan oo Saluugsan Siyaasada PL kuwaasi oo dhawaan Isku fara saaray Xaafada Garsoor.
Cabdicasiis Qaalib oo ah Wakiil Nabadoon Kana mid ah Odayaasha Gaadhay Mudug ayaa GalGalanews u sheegay inay ka dhex wadaan Dowlada iyo Ciidanka La dagaalamay waan waan nabadeed oo xal waar ah.
Odayaasha ayaa Shalay Booqday Guriga Ugaaska Beesha Leelkase Ugaas Cali Ugaas Maxamed ayna Ugaaska Tacsi halkaasi uga direen iyaga oo kula dar daarmay inay Nabadda qaataan oo ay Raadiyaan Wada Jir iyo Xasilooni.
Ugaaska Beesha Leelkase ayaa si wanaagsan u qaabilay Isimada ka soo Kicitimay G.Sanaag waxana uu u sheegay inay diyaar u yihiin xal kasta oo ay soo Jeediyaan Odayaasha Somaliyeed.
Magacyada Isimada Gaadhay Mudug ee Sanaag ka Boqoolay
Iimaan Warsame Faarax Wakiilka Suldaanka Guud ee Warsangali Sudaan Siciid Cabdisalaam
NB Cabdisaalax Faarax [Cabdi Wabax]
Guurtid Jaamac Maxamuud Duulane
W/K Cabdicasiis Qaalib Wakiilka Caaqilka Beesha
Guurti
//
//
// ]]>
C/laahi Cabdi Warsame
Ahmed- Jaamac
GalGalanews/Bosaaso

















Comments
Post new comment