Inzaghi oo laga saaray xiddigaha Milan ee kaqeyb galaya Champions League

Ninka shabaqa dariska la,ah ee kooxda AC Milan Filippo Inzaghi ayaa laga reebay ciyaartoyda kooxda AC Milan ugu qeyb gali doonto Champions League.
Xidigii hore ee xulka Azzuri Filippo Inzaghi ayaa seegi doona sanadkaan koobka horyaalada yurub markii laga saaray liiska kooxda Milan ee  Champions League.
38 jirkan ayaa waxa uu booska u baneeyay Antonio Nocerino kaasoo kusoo biiray Milan maalintii ugu danmbeesay ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.
Inzaghi ayaa waxa uu kooxda Milan u ciyaaraayey in ka badan 10 sano waxa uuna yahay ninka labaad ugu goolasha badan tartamada qaarada yurub  marka laga reebo Raul oo ah ninka koowaad oo dhaliyey 70 gool, 46 ka mid- na waa Champions League.
Xili ciyaareedkii hore waxa uu ciyaaray 3 kulan oo keliya balse waxa uu dhaliyey labo gool waxayna ahayd ciyaartii ay Real Madrid 2-2 la galeen ee kadhacday.
kooxdan reer Talyaani ayaa dhanka weerarka waxaa ka jiro tartan aad u culus waxa uuna u dhaxeeyaa Alexandre Pato, Robinho, Antonio Cassano iyo Zlatan Ibrahimovic qofkii boos joogta ah ke heli lahaa.
kooxda ku guuleysatay Seria Ada ee Milan ayaa waxa ay isku Group yihiin Barcelona, BATE Borisov iyo Viktoria Plzen.
Source – Soomaalidamaanta
Xafiiska Allsomali24.com 
Muqdisho  - Somalia


Comments

Post new comment

  • Web page addresses and e-mail addresses turn into links automatically.
  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd>
  • Lines and paragraphs break automatically.
  • Use the special tag [adsense:format:slot] or [adsense:format:[group]:[channel][:slot]] or [adsense:block:location] to display Google AdSense ads.
  • You may embed videos from the following providers archive, bliptv, dailymotion, google, guba, imeem, lastfm, livevideo, metacafe, myspace, revver, sevenload, spike, tudou, twistage, ustream, ustreamlive, vimeo, voicethread, yahoomusic, youtube, zzz_custom_url. Just add the video URL to your textarea in the place where you would like the video to appear, i.e. http://www.youtube.com/watch?v=pw0jmvdh.

More information about formatting options

Hal xiraale
Waa inaan ogaano inaad qof tahay
5 + 1 =
Solve this simple math problem and enter the result. E.g. for 1+3, enter 4.