Inter,Roma iyo Napoli oo lagaraacay iyo Juve oo wali ku dhegan hogaanka Serie A (warbixin)
30 Oct 2011.Kooxda Juventus ayaa xalay cashar aan lailoobi Karin gurigeeda ugu dhigtay kooxda Inter kulankii loogu magic daray Derby D’italia
Cayaartan oo ka dhacday garoonka Giuseppe Meazza ee magaalada Milano ayaa eheed mid aad u xiiso badneed ayaa daqiiqadii 12-aad ee qeybtii hore ee cayaarta ay heshay Gool waxaana shabaq kubad la helay cayaaryahanka ay ka soo qaateen kooxda Roma xiliciyaareedkan Mirko Vucinic iyadoo uu ka diiday daafaca reer Barazil Maicon uu ka dhigay cayaarta barbaro isla qeybtii hore
Balse waxyar kadib waxaa kooxda Juventus uu suurta gashay in ay dhaliso gool daqiiqadii 32-aad ee isla qeybtii hore waxaana u saxiixay goolkaa cayaaryahan Claudio Marchisio oo soo afjay cayaarta.
Guud ahaan cayaarta ayaa ku soo idlaatay 2-1 oo ay guusha ku raacda kooxda loogu yeero Marwada duqda ah
Dhanka kale kooxda Ac Milan ayaa iyina xalay ku barbarat kooxda ka dhisan caasimada ee Roma
Cayaaryahan Zlatan Ibrahimovic ayaa ugu filnaa kooxda AC Milan inay gaarto guusheedii afaraad oo isku xigta ee Serie A, iyagoo 3-2 ku garaacay kooxda Roma oo marti loogu ahaa Stadio Olimpico.
Inkastoo ay kooxda Roma muuqaal ahaan ay u muuqatay koox laga baqo misna taa ma dhicin xalay oo waxaa garoonkee ugu awood sheegatay kooxda Ac guud ahaan kulankaa oo ku soo gabagaboobay 3-2 oo ay guusha ku raacday kooxda Ac Milan.
Naadiga Milan ayaa hada soo galay booska labaad eek ala horeenta Horyaalka Serie A Talyaaniga ayadoo uruusatay 17 dhibcood halaka ay kooxda Juve ay xalay hogaanka u qabatay Horyaalka ayadoo leh 19 dhibcood
Sidookale waxaa xalay cayaaray kooxaha Catania iyo Napoli kulankaa oo ahaa mid xiiso badan ayaa waxa uu ku dhamaaday 2-1oo ay guusha ku raacday kooxda Catania oo xalay marti loo ahaa
______________________________________________________
Yusuf Noor Mohamed
Somgoal Director.
yuunoor@yahoo.com
TEL:+2547-23652989
Nairobi_Kenya
somgoal@hotmail.co.uk
















